Pages

Sunday, September 14, 2014

Moobeelada gacanta oo waxyeelo u geysta ilmaha Uurka ku Jira

uur-leh3-224x300(GNA)Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Yale oo ku taal dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in shucaaca telefoonnada gacanta (Mobile) sii daayaan ay waxyeello u geystaan ilmaha uurka ku jira.

 

Khubarada daraasaddan samayey waxay cilmi-baaristooda ku iftiimiyeen in shucaacaasi waxyeelleeyo maskaxda ilmaha yar ee uurka hooyada ku jira, markuu dhashana dhib kala kulmo xagga garaadka iyo maskaxda.

 

Dr. Hugh Taylor oo ah guddoomiye waaxda lagu barto caafimaadka hooyada uurka leh, cudurrada haweenka iyo hab-dhiska taranka ee Jaamacadda Yale, isla markaana daraasaddan qoray, ayaa isagoo ka hadlayey saamaynta moobilladu ku leeyihiin haweenka uurka leh waxa uu yidhi; “Waxaannu tijaabadayada ku samaynay jiir uur leh, waxaanuna shabaqii ay ku jirtay xaggiisa sare dhignay moobayl. Mararka qaar waannu daminay, mararna waanu shidaynay, waxaana  uu gudbiyey fallaaro shucaad ah. Markii uu dhashay jiirkii yaraa ee ay caloosha ku jiray wuxuu noqday mid aan maskax ahaan hagaagsanayn, waxana waxyeelleeyey shucaacii telefoonku kus ii daayey”

 

Waxa kaloo khubaradu waxay walaaca ugu badan ka muujiyeen telefoonnada ay soo saaraan shirkadaha Blackberry iyo Apple, iyagoo sidoo kalena soo jeediyey in hooyada uurka leh iska fogayso telefoonnada gacanta si aan ilmaheeda waxyeello caafimaad u soo gaarin.

 

Sidoo kale, waxay khubaradani ka qaybqaateen dood adag oo lagu lafaguray shalay waxyeellada telefoonka gacanta oo uu soo qabanqaabiyey urur u dooda caafimaadka oo uu leeyahay nin lagu magacaabo Dr.Devra Davis.

 

Ururka Davis waxa uu dawladaha caalamka ugu baaqay inay qaadaan tallaabooyin lagu hubinayo khataraha caafimaad ee ka dhasha isticmaalka moobillada si ay shacabkooda u badbaadiyaan.

 

Sannadkii 2011kii ayuu ururka caafimaadka adduunka ee WHO shaaciyey in moobilladu sababaan kansarka, iyagoo ku baaqay in arrintaas cilmi-baaris dheeraad ah laga sameeyo.

 

Dawladd badan oo adduunka ah oo Faransiisku ku jiro, ayaa shirkadaha telefoonnada soo saara ka mamnuucay inay carruurta ku xayeysiistaan qalabka ay soo saaraan.