Pages

Monday, September 15, 2014

Somaliland: Heshiisyada sahaminta Shidaalka waxa nooga soo xerooday $4.5 Milyan"

Shirkadda DNO oo sheegtay in laba sano loogu daray Heshiiskii Sahaminta Shidaalka ee ay Somaliland kula jirtay..

wasiirka macHargeysa(GNA)-Wasiirka Macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa markii ugu horaysay faahfaahin ka bixiyay cadadka lacagta ka soo gashay Heshiisyada sahaminta Shidaalka iyo Macdanta oo ay ilaa shan shirkadood la gashay.

Xuseen Cabdi Ducaale oo Sabtidii shalay kulan la yeeshay guddida Khayraadka ee Golaha Wakiillada, ayaa markii kulanku dhamaaday wariyeyaasha u sheegay inay wasaaraddiisu afartii sanno ee u dambeeyay soo xaraysay dakhli dhan afar milyan iyo badh Dollar, taasoo xataa Miisaaniyada guud ee dawladda afar iyo toban jeer ka badan.

“Waxyaabaha ay Muhiimada saarayeen ee ay Guddida Golaha Wakiiladdu naga waraysteen waxa ka mida Dakhliga aanu dalka uga soo hoynay Heshiisyada Shidaalka iyo macdanta.”ayuu yidhi.

Waxaanu isagoo faahfaahinaya dakhliga soo galay uu sii yidhi “Heshiisyadaa afartii sannadood ee aanu wasaaradan joognay waxa inooga soo xarootay $4.5 (Afar Milyan iyo shan boqol). Waxaa weeyaan markii aanu dib u eegnay diwaanka wasaarada siddeedii sanadood ee naga horeeyayna waxa inaga soo galay $185000 oo dollar, annaguna afar sannadood gudahood waxaanu ku soo xeraynay afar Malyan iyo badh lacag dhan.”

Wasiir Ducaale ayaa sheegay in Bejedka Wasaaradiisa ee Miisaaniyada loogu qoondeeyay ku baxo mushaharka Shaqaalaha inta ugu badan.

“Miisaaniyada wasaarada ku baxdaa waa miisaaniyad muqdar ah oo inta badan waa Mushaharka shaqaalaha, Dakhliga aanu soo xeraynayna wuxuu miisaaniyada sanadlaha ah ku soo laban laabmayaa 14 jeer, miisaaniyada dalka ee sanadlaha ah oo dhan” ayuu yidhi.

Shirkadaha Somaliland Heshiiska kula jira ayaa waxa ka mida Genel Energy, DNO iyo ilaa saddex shirkadood oo kale, kuwaasoo ay ilaa hada bilowga howl-galkooda taaganyahay caqabado dhanka amniga ah oo ka hor yimi.

Shirkada DNO oo todobaadkii hore ka hadashay goorta ay shaqada bilaabayso, ayaa sheegtay inay rajeynayaamn inay 2015-ka ay howlaha sahaminta bilaabi doonaan.

DNO waxay sheegtay inay sugayaan inta la diyaarinayo ciidanka gaarka ah ee ilaalinta Shirkadaha Shidaalka (OPU).

Waxaanay intaasi ku dartay inay haysato laba sanadood oo dib loogu jidiidinayo heshiiska oo kolkii hore sida muuqata ku dhamaanayay 2015-ka, balse hada looga ilaa 2017.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com