Friday, September 5, 2014

Somaali loo haysto Weerarkii Westgate oo garaacis iyo Jir-dil loogu geystay Xabsiga kenya


[caption id="attachment_94525" align="alignleft" width="300"]Maxaabiista soomaalida ah oo lagu khasbay dharka xabsiga Maxaabiista soomaalida ah oo lagu khasbay dharka xabsiga[/caption]Nairobi(GNA)-Afar dhalinyaro soomaali ah oo ku xidhan xabsi ku yaala dalka kenya loona haysto weerarki kadhacey xarunta ganacsi westgate mall bishii september ee sanadkii hore ayaa sheegay in si xun loo garacay kadib markii ay diideen inay xidhaan dharka maxaabiista.




 sagal ruux oo kale oo soomaali ah oo iyagana loo haysto falal argagixisonimo ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xabsigu ay si xun u garacaan iyadoo loo geystay dhawacyo.




Garacista  dhalinyarada ayaa dhacday todobaadkii lasoo dhafey kadib markay diideen inay xidhan dharka maxaabiista Mwaniki gochomo oo ah qareenka ragan uga doodaya Maxkamadda ayaa sheegay in dhibaato culus loo gaystay isla markana uu hada ka walacsan yahay caafimadkooda.




“dhawacyadan qaarkood waa kuwo aad u xun una bahan dawayn”ayuu yidhi dhakhtarka.




Dhalinyaradan ayaa wali la xukumin iyagoona mudo dheer xabsiga lagu hayo.




Waxaana loo haysta inay gacan kagaysten weerarkii westgate mall oo ay ku dhinten 67 qof.




 Abdirahmaan buurdhaab




Gobanimonews




Nairobi Office











 


 buurdhaab4@gmail.com