Friday, September 5, 2014

Sharci-yaqaanno toosh ku qabtay Khatar ku gedaaman Diwaan-gelinta jinsiyadaha.Daawo


Hoos ka Daawo: Sharci-yaan Khadar Koosaar oo iftiimiyay inay diwaan-gelinta Muwaadiniintu halis ku tahay Dalka, hadaan la maarayn caqabadaha horyaalla iyo kuwa ka dhalan kara...




GARYAQAAN KHADARHargeysa(GNA)-Garyaqaan Khadar Koosaar Muxumed oo ka mida dadka aqoonta sharciga bartay ee siyaasadda ku jira ayaa dhaliilay habka loo agaasimay, isla markaana loo fulinayo diwaan-gelinta Medeniga ah ee Somaliland lagu in laga sameeyo bishan September.




Asxaabta Mucaaridka ah iyo dadka siyaasadda daneeya ayaa horey uga horyimi diwaan-gelintan, iyagoo ku andacoonaya in laga soo horaysiiyo diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, waxaanay taasi ka hor-imanaysaa qorshaha dawladda ee bixinta kaadhka Jinsiyadaha ka hor intaan doorasho la qaban.




Arrintan oo aanay wali meel isla dhigin dhinacyada siyaasadda ee dawlada iyo Mucaaridku, ayaa bulshadu si weyn u  saluugsanyahay talaabada xukuumaddu ku doonayso in diwaan-gelinta Jinsiyadaha la soo horaysiiyo.




Sharci-yaqaan Khadar Koosaar oo waraysi siiyay Telefishanka Maxaliga ah ee Bulshotv, ayaa dhaliilay qaabka ay xukuumaddu u wado diwaan-gelintan, isagoo xusay inay halis badani ka muuqato nidaamkan hada wax u socdaan, isla markaana damaanad buuxda loo baahanyahay si xogta diwaan-gelinta dhowrsanaanteeda looga war war la’aado.




Waraysigan oo uu sharci yaqaanku wax badan ku faaqidayo, waxa la yeeshay Wariye Siciid Khadar oo ka tirsan Bahda BulshoTV.




Halkan ka Daawo: