
Hargeysa(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdi Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa la sheegay inuu maalintii labaad ka baaqday socdaal uu ku tegi lahaa Imaaraadka Carabta.
Safarkan waxa ku wehelinaya xubno ka mid ah Golihiisa wasiirrada iyo Marwadiisa.
Saylici iyo weftigiisa oo ay ahayd inay maanta dhoofaan ayaa u baaqday, Xaaskiisa oo Fiise loo waay, waxaana la sheegay inay arrintaasi uga baaqdeen.
Faahfaahin lagama hayo sababta ay Xaaska Madaxweyne ku-xigeenku u wayday Fiisaha, hase ahaatee waxa la caddeeyay in weftigu laba maalmood u baaqday Fiise la’aanta Marwada.
Wariye ka tirsan Koox Suxufiyiin ah oo Maanta Madaarka u tegay si ay weftiga war uga soo duubaan ayaa xaqiijiyay inay weftigu maantana baaqdeen,