Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh) oo ka tirsan Guurtida Somaliland ayaa ka digay qabashada Diwaan-gelinta Jinsiyadaha oo ay dawladdu doonayso in bishan dhexdeeda laga bilaabo dalka oo dhan.
Xildhibaan Shaadh ayaa sheegay inay fowdo iyo qas waddanka gelin kartodiwaan-gelintu hadii aan la sameeyo wacyi gelin, Sharciyad iyo hab laysku waafaqsanyahay lagu hir-gelin karo “Diwaan-gelinta medeniga ah waxaan u arkaa in lagu degdegay”ayuu u sheegay wariyeyaasha Xildhibaan Shaadh.
Waxa uu sheegay inaanay wali samaynin Goleyaasha Baarlamanku Xeerkii diwaan-gelinta “xeerkii diwaan-gelintaas wuxuu horyaalaa goleyaasha xeer-dejinta, walina lama ansixin, degmooyinkii iyo goboladii lama kala xadeynin, markaa Wasiirka arrimaha gudaha waxaan leeyayahay dalka fowdo haku gelinin waxaan wali diyaar ahayn”ayuu sii yidhi.
Xildhibaan Shaadh oo ah Mudaneyaasha Guurtida ku jira ee Gobolka Saraar ka soo jeedaa, waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in deegaamo badan laga diidanyahay Diwaan-gelintaas “anigu deegaanka aan ka soo jeedo waxa diwaan-gelinta lagu qaban jiray todoba goobood, iminkana meel qudha looma cayimin, waanan ka soo horjeedaa taas anigoo xildhibaan ah, dadka kale ee cabanayaana xaq bay u leeyihiin inay diidaan wixii xaq daro ah ee ay tirsanayaan, laakiinse looma baahna inay dhibaato abuuraan ee waxa weeye inay si nabad ah gartooda u sheegtaan”.
Mudane shaadh ayaa sidoo kale ku taliyay in wacyi-gelin balaadhan laga sameeyo dalka oo dhan taasoo ku waajahan sidii ay dadku u qaadan lahaayeen Kaadhka Jinsiyada, waxaanu dhanka kale Xisbiyada mucaaridka ah u soo jeediyay inaanay ku deg degin in doorashooyin la qabto, ka hor intaan diwaan-gelinaha isa saaran la qaban.
Waxa uu intaasi ku daray “Diwaan-gelintu waxay qaadanaysaa laba sannadood iyo saddex sanadood, markaa anigoo og inay dawladda ka go’antahay in diwaan-gelin medeni ah la qabto, waxaan leeyahay Waran-cadde waddanka khal-khal haku gelin arintan aad deg dega ku wado”ayuu yidhi.
Xukuumadda Somaliland ayaa horey u sheegtay inay bisha September dalka oo dhan ka bilaabi doonto diwaan-gelin medeni ah, taasoo lagu dhamaystiri doono muddo lix bilood gudahood ah.
Somaliland waxay sheegtay inay diwaan-gelintaasi dhaqaalaha ku baxaya ay dawladdu bixin doonto, kaddib markii ay qaadhaan bixiyayaasha ka caawiyo doorashooyinku ka gaabiyeen inay gacan ka siiyaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com