Wednesday, September 10, 2014

Badhan: Wasiiro Somaliland ka socda oo xadhiga ka jaray Ceel-biyood cusub

badhabHargeysa(GNA)-Wasiirro ka socda Somaliland oo ku sugan Bariga Sanaag, gaar ahaan Magaalada Badhan ayaa xadhiga ka jaray Ceelbiyood halkaas laga hir-geliyay.

Weftiga waxa ka mid ah Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo uu weheliyo Wasiir u dawlaha Xanaanada xoolaha iyo xubno kale.

Mashruucan waxa maal-gelisay Xukuumadda Somaliland , waxaanu qayb ka yahay Mashaariic lacag badan ku baxday oo saddexdii sanno ee u dambeeyay deegaamadaas loo qoondeeyay.

Halkan hoose ka Daawo Warbixin dhamaystiran: