Wednesday, September 10, 2014

790 Arday oo ka qalin Jabiyey Jaamcada Gollis ee Hargeysa iyo Sawiro

DSC_0054(1)Hargeysa (GNA)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shahaadooyin Gudoonsiiyey 790 Arday oo ka qalin Jabiyey 10 Kuliyadood ee Jaamacada Golis Ardaydan oo ahayd Dufcadii 10aad ee ka qalin Jabisa Jaacadada Gollis ayaa Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay loogu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, Waxaana ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Maamulka Jaamacada Ardayda qalin Jabisay iyo Marti sharafkale.
Ugu Horeyn Gudoomiye ku xigeeka Jaamacada Gollis Caydaruus Maxamed Abiibiib Oo Kalmadii Furitaanka Kubilaabay ayaa si kooban u sharaxay Munaasibadan Qalin Jabinta ah ee ay Jaamcadu ku maamuustay Ardayda “maanta halkan waxa halkan ku qalin Jabiyey 10 kuliyadood oo ka mid ah 13 ka Kuliyadood ee ay Jaamacada Golis ka kooban tahay, waa ardaydii ugu badnayd eek a qalin jabisa Jaamcda Golis oo ah 790 Arday , maanta Qaranka Somaliland waxa ku soo biiray 790 Aqoonyahan oo ah mid lagu quwaynayo Aqoonta dalka Maansha allah tabaaraka Laah” ayuu yidhi Caydaruus
Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Golis mar uu ka hadlayey 10 ka Kuliyadoo ee ay ardaydu ka qalin Jabiyeen ayaa waxa uu yidhi “ hadii aan xuso kuliyadaha halkan fadhiya oo aan rajaynayo inay wax wayn u soo kordhin doonaan wadanka, waxa maanta qalin Jabinaya wadankeen oo markii u horeysay Degree qaadanaya kuliyada Xanaanada Xoolaha, lafdhabarta wadankeenu waa xoolaha nool anagoo taa ka duulayna ayaanu soo saarnay cidii u adeegi layd, waxa kale oo qalin Jabiyey Public Health, Computer Engineering, ICT, Agriculture, Education, Management science and Economic, Sharia and Islamic Study, civil Engineering” ayuu yidhi Caydaruus
Dhinaca kale waxa halkaasi Khudbado kala duwan ka jeediyey Hogaamada Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacda Golis oo uu mid waliba Kuliyadiisa iyo tirade Ardayda ee ka qalin Jabisay halkaasi kaga dhawaaqay waxaanay ku bogaadiyeen inay dhamaysteen Degree-goodii koowaad iyagoo ku booriyey inay sii wataan oo ayna intaa kaga hadhin.
Gudoomiyaha Jaamacada Golis oo ka Khudbad dhinayo badan taabanaysa halkaasi ka jeediyey ayaa ku dheeraday Jaacada Golis kaalinta ay kaga jirto kor u qaadista tayada waxbarashada dalka iyo ardayda wax ka barata waxaanu sheegay inay Jaamcada Golis waaxoo ku leelahay Hargeysa, Berbera, Burco iyo Ceeri Gaabo, waxaanu sheegay inay maal maha soo socda Qaybaha Goboladuna ay qalin jabintoodu dhici doonto, waxaanu Madaxweynaha ku bogaadiye sida wanaagsan ee uu isku bar bar taago ardayda wax ka dhigata Jaacada, waxa kale oo halkaasi khudbdo kala duwan ka jeediyey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, maayirka Hargeysa iyo Masuuliyiin kale.DSC_0018
Madaxweynaha Jambhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo Khudbad ka jeediyey munaasibada Qalin Jabinta Ardaya Jaamacada Gollis ayaa waxa uu yidhi “waxaan halkan Hambalyo iyo bogaaadin ug asoo jeedinayaa Ardaydan faraha badanleh iyaga iyo macalimiintoodii iyo waalidkoodii, hadii aan ahay madaxwaynihii dalka Somaliland waxaan idiin sheegayaa inaan umad ahaan, inaanu marwalba ku farxayno heerka ay dhalinyarada yahada iyo Jaacadaha yagu gaadhayaan, magaca iyo sharafta ay dalka u soo hooyaan, Habalyo aad u balaadhan baan idiin soo jeediyaan waxaan idiin rajaynayaa inaad noqotaan Aqoonyahankii iyo madaxdii mustaqbalka ee wadankan” ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland.
Gaba bagadii waxa halkaasi Shahaado sharaf lagu gudoon siiyey Madaxwaynaha Somaliland iyo Shirkada is gaadh siinta iyo Ganacsiga Somaliland oo Madaxwynuhu Gudoon siiyey, iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, waxa kale Gobo gabadii shahaadooyin halkaasi lagu gudoon siiyey Ardayda dhamaysatay Kuliyadaha kala duwan ee Jaacada Golis.DSC_0009   DSC_0096 DSC_0120 DSC_0124 DSC_0132 DSC_0148  DSC_0189

DSC_0212