Pages

Thursday, August 7, 2014

Xuseen B. Maax: Banka Qool-caday kuma haboona Seero..Q.1aad


Qormadani waxay hordhac u tahay arrin ay ayaamahan, hadal-hayntiisu soo noqnoqo-naysay iyo qorshaha ay xukuumadu ku seerayso banka Qool-caday iyo Banka Aroori.




xuseenWaxa aan isku dayay inaan wax ka ogaado qoraalka laga sameeyay seerista labada goobood,waanan helay(Project Report)loogu talo galay seerista banka Qool-caday iyo banka Aroori.




Hadaba intaanan u gelin ula jeedada laga leeyahay waxa aan tilmaan ka bixin doonaa:




1.Ma ku haboontahay in la seero banka Qool-caday iyo ka Aroori.




 




2. Danta qaranka ugu jirta.




 




3. Danta degaanada ugu jirta.




 




Ma ku haboontahay?




Aniga oo ah muwaadin aan dan gaari ugu jrin,cidna aan dhinaca saarayn aan aragtidayda ku soo koobo sidan:




A)Waxa xaaran ah inaynu qaadno raadkii Afweyne.




 




B)Laguma raaco jid qaldan oo hore loo jeexay.




Sidaynu wada ognahay labada goobood ee xukuumadani u qorshaysay in seero laga sameeyo waa labadii goobood ee dawladii dhiig miiratada ahayd ee dalkan laga xoreeyay qasabka kaga dhigtay shacabka,dhawr qofna ku naf waayeen,degaankana khasaare mooyee kumay soo kordhin wax u dan ah.




Markaa waxa aan leeyahay qorshahan xukuumadu waa mid qaldan,labada goobood-na kuma haboona seero,sababtuna waa:




1.Banka Qool-caday maanta reeraha degani maaha reer-guuraa ee waa dad deggan oo kala leh guryaha ay deggan-yahiin.Xataa   markay abaari timaado aqala-dooda intay sarab dhisaan ayay ku raaraan,kadibna markay abaarta ka baxaan reer waliba gurigiisii ayuu ku soo noqdaa oo uu degaa,reer-na ma degi karo guryaha  reeraha kale.




 




2.Banka Qool-caday waa banka ugu yar bananka ku yaala JSL




 




   (16kmx21km).




 




3.Banka Aroori isaguna waa la mid oo waxa uu saran-yahay Burco




 




   waxa qudha ee uu kaga duwan-yahay ka Qool-caday wuu ka




 




   baaxad wayn-yahay oo dhinac ayaanay jirin reero rasmi u




 




   deggan balse intiisa badan reerahu waa degaan aan guryahooda




 




   Ka guurin abaar timaada mooyaane.




 




Danta Qaranka ugu jirta




 




Haa, qaranka waxa ugu jirta dan baaxad leh,waxa loo baan-yahay:




 




1.Xoola-heena in la fadhiisiyo maadaama uu yahay laf-dhabarta




 




   dhaqaalaha dalkeena.




 




2.Kor loo qaado caafimaadka iyo naaxinta gaar ahaan labka




 




   dibada loo dhoofiyo si xoolaheenu ula tartamaan xoolaha




 




   aduunka kale ee ay isugu tagaan dalalka aynu u iib gayno.




 




3.Xoolo-dhaqatada JSL inay ka gudubto heerkan reer guuraaga.




 




Qodobadaasi waxay ka mid yahiin danaha qaranka ee keenay aragtida ah in dalka laga sameeyo Seero.




Danta degaanada ugu jirta




Horta asal-kaba waxa la yidhaa seeraha dano badan ayaa ugu jira reeraha ama xoolo-dhaqatada degaanka ku ah meelaha laga sameeyo inkasta oo ay ku kooban-tahay reero tiro yar marka loo eego guud ahaan xoolo-dhaqatada dalka.Marka aan baal maro dhinaca ganacsiga bal aan soo qaato qaar ka mid ah danaha ugu jira degaanka:




1.Biyahii iyo daaqii ay socdeen ayay fadhiga ku helayaan.




 




2.Dadka iyo xoola-huba waxay helayaan dawayn.




 




3.Caruurta oo helaysa waxbarasho.




 




4.Taba-baro ay dadka degaanku ka helayaan.




 




5.Shaqooyin u soo kordha degaanka.




 




6.Cashuuraha oo kor u qaadaya dakhliga degmada.




 




7.Xoolo culays badan oo caafimaad qaba oo u iibsama.




Inaha aan ku dhaafo danaha ugu jira degaanka,qormada inoogu xigta waxa aan ku soo bandhigi doonaa qorshaha ku cad qoraalka labada seero iyo meelaha taban ee loo baahan-yahay in wax laga bedelo ama lagu kordhiyo.




La Soco…………..




Xuseen Xasan Badmaax




Badmah100@hotmail.com




402716




Hargeysa/JSL