Pages

Thursday, August 7, 2014

Xaqiiqooyinka Siyaasaddeed ku gedaaman Heshiiska Siilaanyo iyo Muuse Biixi


[caption id="attachment_92509" align="alignleft" width="300"]Guddoomiyeha kulmiye iyo Madaxweynaha oo gacmaha isqabsaday Guddoomiyeha kulmiye iyo Madaxweynaha oo gacmaha isqabsaday[/caption]




Hargeysa(GNA)-Waxay maanta madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi isku gacan qaadeen shirkii golaha wasiirrada iyagoo ku dhaqaaqaya inay ka heshiiyeen diifaanadii siyaasadeed ee soo kale dhexgalay ee ku wajahan musharaxnimada xisbiga Kulmiye oo gaadhay meel xasaasi ah. Waxay labduba qireen in tartankaasi hadda dhammaday loona baahan yahay in cid waliba taa ogaato oo ku shaqayso.




Haseyeeshee waxay Guddoomiyaha iyo Madaxwaynuhu ku micneeyeen heshiiskan siyaabo kale duwan marka xagga siyaasada la eego.




Guddoomiye Muuse wuxuu yidhi "waxaan u taansulay madaxwaynaha waana iga  adkaaday, waxaase loo baahan yahaya dib u heshiisiin, isagoo istcimaalaya ergayga (reconciliation) oo micneheedu yahay dib u heshiisiin.Halka madaxwaynuhu yidhi " aniga iyo Muuse waaanu heshiinay, waxanuna ku heshiinay  go'aamadii golaha guurtida ka soo baxay", manuu isticmaalin erayga dib u heshiin denbe.




Waxaase lagama maarmaan ah in madaxwaynaha iyo guddoomiyuhu isla eegaan tallabooyinka  dib u heshiineed ee loo baahan yahay inay qaataan si xal waara loo helo qanciya taageerayaasha xisbiga iyo siyaasiyiinta KULMIYE ee kala qaybsamay oo loo baahan yahay in la mideeyo si KULMIYE ugu guulaysto talada talka iyo doorashooyinka soo socdaba.




Xaqiiqda kale ee siyaasadeed waxa weeye in taageerayaashii badnaa ee Kulmiye ee la socday garabka Muuse Biixi hogaaminayay ay ka hadheen oo aanay Muuse kula socon go'aankii uu kaga tanaasulay musharaxnimda iyo go'aanka uu hadda kula heshiinayao madaxwaynahaba. shacbi wayhii hore Muuse u taageersanaa waxaa la sheegay inay hadda gacanta ugu jiraan Wasiirkii Hore e Arrimaha Dibadda, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo noqday hogaamiyahooda siyaasiga, waxayna tagayaan sida ka muuqata abuubulkooda hoose kolba halka uu ku hogaamiyo. Ilaimikana lama sheegin wadahadal u socda isaga iyo madaxwaynaha. Sidaa awgeed heshiisinta hadda dhacday waxay u egtahay mid kale dhiman.




Waxay dhawaan warbaahintu qarkeed baahisaya in Maxamed Cabdillaahi uu ugu baaqay Muuse Biixi inuu iska casilo jagada goddoomiyanimada xisbiga maadaama uu ku fashilmay jagadii musharaxnimda ee uu ku dhawaaqay.




 Nuur Caraale




Email:ncaraale@hotmail.com