Pages

Thursday, August 14, 2014

Xukuumadda Somaliland oo deg-deg u hawl-gelinaysa Ciidanka OPU


Shirkadda Sahaminta Shidaalka ee DNO iyo xukuumadda oo wali Hunguri kaga jiro hawl-galkii Xudun ee ka fashilmay, xilli Mucaaridku cambaareeyay heshiisyada lala galay...




[caption id="attachment_93017" align="alignleft" width="300"]mid ka mid ah Taawarada Shirkadda DNO  ee Ciraaq mid ka mid ah Taawarada Shirkadda DNO ee Ciraaq[/caption]Hargeysa(GNA)-Shirkadda DNO ee laga leeyahay dalka Norway oo ay xukuumadda Somaliland la gashay heshiis shidaal baadhis ah, ayaa ka hadashay fal toddobaadkan lagu rasaaseeyay shaqaalaheeda oo hawlo shaqo u joogay degmada Xudun ee gobalka Sool.




 Waxay shirkadu beenisay inay dalka Somaliland shaqaalaheeda kala baxayso, falkaas ka dib.




Afhayeenka shirkadda Henrik Schwabe  DNO ayaa wargeyska caanka ah ee World street journal, u sheegay inaanu wax dhaawac ahi soo gaadhin shaqaalahooda. “Qiyaastii 3:30 PM (11 august) tiro kooban oo xabado ah ayaa lagu soo waramay in lagu riday kaamboolka kooxda,” ayuu yidhi afhayeenku, waxaanu intaas raaciyay “Qofna kuma dhaawacmin, kooxdiina si deg dg ah ayaa Hargeysa loogu daad-gureeyey.”




Afhayeenku, wuxuu sheegay inay kooxda DNO degmada Xudun ee gobalka Sool, gaar ahaan Baloog 18 oo heshiis lagu siiyay, ka wadeen sahan biyo ah, oo ah mashruuc ay DNO ku doonayso inay dadka deegaanka ku siiso biyo nadiif ah. “Maamulka Somaliland ayaa baadhitaanada dheeraadka ah samaynaya.” Ayuu yidhi Afhayeenku.




Wuxuu sheegay inuu ka war qabo in saxaafadda maxaliga ah qaarkood baahiyeen warar sheegaya in shirkadda DNO ka bixi doonto Somailand, waxase uu wararkaas ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jirin, taas oo ah inaanay shirkadu ka baxayn Somaliland.




biixiWasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sida uu wargeysku qoray sheegay inuu maqlay falka ka dhacay Xudun balse aanu faahfaahin ka haynin, waxaanu sheegay inay Somaliland dhawaan samaynayso ciidanka ilaalinta khayraadka oo loo yaqaan OPU (Oil protection unit), “Deg deg waxaanu u rajaynaynaa inaanu yeelano ciidanka OPU.” Ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas raaciyay in tirada ciidanku noqon doonaan 420 askari.




Wuxuu wasiirku tilmaamay in marka ciidanka la sameeyo uu rajaynayo inaanay falal dambe dhici doonin.




Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa gar-daro ku tilmaamay hawlaha shidaal baadhista ee Shirkadda DNO ka bilowday Gobolka Sool gaar ahaan deegaanka XUDUN.




Eng. Faysal ayaa sheegay inaanay dadka deegaankaasi u bislaan wali taageeraddooda Somaliland,kana jirto gobolka sool kala qaybsanaan bulsho iyo mid siyaasaddeed oo saameyn ku leh deggenaanshiyaha.faysal-cali-waraabe




Waxa kale oo uu sheegay in Heshiiska lala galay DNO iyo Sharaa’iga kale ee baadhista Shidaalka iyo Macdantu tuugo yahay oo aanu jirin wax sharci oo ka yaalla “waxa loo baahanyahay in la xaq dhowro heshiisyadii dawladdii siyaad barre ku bixisay Ceelashada shidaalka ee Sool iyo Ceel gaal 27 goobood”ayuu yidhi todobaadkan Cali waraabe oo la hadlay Warbaahintu.




Diidmada Bulshada degmada xudun kala horyimaadeen Shirkadda ayaa u muuqda mid sii xoogaysanaya, kaddib markii mid ka mid ah Siyaasiyiinta waaweyn ee deegaanka u dhashay ka cadhooday qorshaha xukuumaddu ku doonayso inay halkaas kaga bilowdo hawl-galka.




Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo horumarinta Reer Guuraaga, haatana ah la-taliyaha Arrimaha Bariga ee Madaxweyne Siilaanyo oo safar la xidhiidha dejinta xiisada ka dhalatay hawl-galka Shirkadda u tegay XUDUN, ayaa la sheegay inuu mabda’ adag oo siyaasaddeed qaatay markii uu deegaanka gaadhay.




Fu’aad ayaa caddeeyay inaanu joogitaankiisa Somaliland ku qanacsanayn, kaddib markii Warbaahintu baahisay inuu ka daba tegayo Siyaasiga ay isku cimriga yihiin ee Axmed Cabdi Xaabsade oo isagoo xil ka haya Somaliland Garoowe ka degay.




“warkaasi waa male, runna wuu noqon karaa, beenna wuu noqon karaa”ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde oo BULSHOTV u waramay.




[caption id="attachment_92801" align="alignleft" width="300"]Fu'aad aadan cadde oo ka cadhooday Shidaal baadhista Fu'aad aadan cadde oo ka cadhooday Shidaal baadhista[/caption]




Xuquuqda turjumaadda qormadan waxa nala wadaaga Wargeyska Geeska Afrika




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com