Wasiirka Biyaha somaliland iyo Masuuliyiinta Shirkadda SBI oo Maanta dhagax dhigay Mashruucan biyo-balaadhin ah ay ku baxayso lacag nusmilan dollar ka badan..
[caption id="attachment_93010" align="alignleft" width="300"]
Dhagax dhiga Mashruuca[/caption] Burco(GNA)-Shirkada Sharaabka COCOLA Afrika Foundation(SBi) iyo xukuumadda Somaliland ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay bilowga mashruuc Biyo balaadhin ah oo laga hirgalinayo Magaalada Burco, kaasoo ay maal-gelinayso SBI.[caption id="attachment_93010" align="alignleft" width="300"]
Dhagax dhiga Mashruuca[/caption]
Mashruucan oo ku kacaya lacag gaadhaysa Lix Boqol oo kun oo Dollar ayay shirkada sharaabka ee Cocola ugu deeqday dadwayanaha reer Burco, waxaanu noqonayaa kii ugu horeeayay ee noociisa ah ee laga hirgaliyo magaalada Burco.
Sida ay sheegeen saraakiisha Mashruuca hogaaminayaa waxa laysku xidhayaa ilaa lix ceel oo ku kala yaala magaalada Daafaheeda, kuwaasoo waraabin doona dadwayanaha ku nool gudaha Magaalada iyo Goobaha ay dadka danyarata ah ee IDP’syadu degenyihiin ee ka baxsan Magaalada.
Mashruucan ayaa waxa uu Biyo siin doonnaa dad gaadhaya ilaa 121,000 oo qof oo reer Burco ah.
Wasiirka wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdule oo ay weheliyaan saraakiil ka socda Shirkadda SBI iyo wakaalada Biyaha Burco, ayaa saaka dhagax-dhigay mashruucan, waxaana xaflad loogu qabtay Hoteel Ramad ee magaalada Burco kasoo qayb galay,Wasiirka wasaarada Biyaha,Madaxda Gobolka Togdheer,ta degmada Burco,Maamulka wakaalada Biyaha Burco iyo Marti sharafkale ka mida haldoorka Gobolka Togdheer.[caption id="attachment_93010" align="alignleft" width="300"]
Dhagax dhiga Mashruuca[/caption]
Wasiirka Wasaarada Biyaha Xuseen Axmed Cabdule oo xafladaas ka hadlaya ayaa tafaasiil ka bixiyay muhiimada biyo-balaadhintan.
'' Biyuhu waa nolosha waa u muhiim waxaan ku bogaadinayaa Kambanigan SBi masruucan uu inoo keenay oo ah mashruuc biyo balaadhin ah,mashruucanina lix bilood Gudahood marka uu inoogu dhamaado meel walba biyahu way inoo gaadhayaan waliba kaydkii bay inoo samaynayaan,waxaan kale oo reer Burco ugu bushaaraynayaa in afar taangi oo waaywayn dekada yaala hay,ada IOM ay keentay,meel wacan bay hawluhu inoo marayaan reer Burcow kaydkiibaa maraysaan Hargaysi kaydkii ma hayso gamacaha inagoo is haysana haynoo fulo ee haynaga carqaladaynina ee shifo ku caba ,aad baanan ugu mahadnaqayaa shirkada SBi,waxaan leeyahay dhinacay ka baxdaa waa bakaylo qaleen.”ayuu yidhi Wasiirku.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi''shirkada SBi iyadoo Mashruucan iyadoo dalal badan oo afrika ahi u hanqal taagayaan ayay inooga soo dhufteen oo inoo keenay aada bay u maadsanyihiin,waxaad garan kartaa sharaabo badan oo dunida laynooga keeni jiray oo taariikhda laynoo badali jiray waynu ka raysanay oo dalkay shirkadani inoogu samaysaa oo layskuma gaadho,Caruurteena sharaab dhacay baa la siin jiray markii hore,Burco Mashaariic badan baa kusoo socda ee aynu isgarab joogsano”.[caption id="attachment_93010" align="alignleft" width="300"]
Dhagax dhiga Mashruuca[/caption]
Gudoomiya shirkada sharaabka SBI Axmed Cismaan Geele oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay inay reer burco yihiin dad wax soosaarka iyo wadaniyada ku jecel.
Geelle ayaa u mahadnaqay bulshada reer Burco, waxaanu yidhi ''waxaanu yidhi''reer Burco waa meelaha ay SBi ay ku qabto taageerada ugu wayn ee sharaabka aad looga cabo sidaas darteed hoobaa hooleh anaguna waxaa ku dedaalay inaanu waxyaabaha daruuriga ah ee Biyuhu ka mid yihiin oo mashruuxcani ka mdi yahay oo ay ku baxayso ilaa lix Boqol oo ku oo doolar,waxaanu gaadhayaa ilaa Boqol iyo kaw iyo laabtan kun oo qof oo reer Burco ah, waxanu socon doonaa ilaa lix Bilood.”
Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Ibraahin Xadhigle ayaa isna ka waramay biyo galintaas ayaa sheegay in Mashruucan ay ku tartameen dalal afrika ah isla markaana ay ku soo guulaysteen si ay Burco uga Hirgaliayaan.
maayar Ku Xigeeenka Burco Muxumad Xasan jaamac ayaa isna xafladaas kaga dhawaaqay inay gacan siinayaan sidii Mashruucan looga ir galin lahaa Magaalada Burco.
Sidoo kale waxgaradka iyo dadwaynaha reer Burco ayaa soo dhaweeyay mashruucan ay hirgalinayso shirkada SBi,waxaanay dadkii ka hadlay xafladaasi ku hambal yeeyen shrkada SBI.
Abwaan Hure walanwal ayaa yidhi''shirkadan SBi waa shirkadii kowaad ee lacagta intan leeg dadkeeda dib ugu soo celisa waxaanu leenayahay hadaanu reer Burco nahay ilaa tuulooyinka ayaanu sharaabka gaadhsiinayanaaa waan laban laabaynaa,shirkada dalka jooga wax wax nagu soo celiya way inagu yaraayeen wax lacagta xadigaas ah ee lix boqol oo kunoo doolar maanaan arki jirin,waxaanu idiinku abaal gudaynaa,inaanu idiin ducayno,oo idin sheegno,oo sharaabkiina cabidiisa laban laabno”.
Maxamed Diiriye xayd oo ka mid ah wax garadka reer Burco kan mid ah Gudida Biyaha ee magaalada Burco ayaa isna aad ugu mahadnaqay shirkada SBI waxaanu yidhi ''reer Burco qof beeb ku maydha mooyaane guri dhulka qasabad hoosta ka furayaa ama jiro,sirkada SBi waxay wax ka qabatay madaarka Burco”.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office