Pages

Monday, August 11, 2014

Xildhibaan Qanyara Afrax Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Weerar lagu qaaday gurigiisa


xildhibaan_qanyareMuqdisho-(GNA)-Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Qanyare Afrax ayaa ka hadlay Weerar xalay Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya ku qaadeen guri uu ka dagan yahay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.




Xildhibaanka ayaa sheegay in Weerarka xalay lagu soo qaaday gurigiisa uu ahaa Weerar qorsheesan oo lagu doonayay in isaga lagu dilo balse uu ilaah ka bad baadiyay kadib markii ilaalada Gurigiisa ay iska caabiyeen Ciidamadii weerarka soo qaaday.




Mr Qanyare ayaa xusay in markii ay rasaastu bilaabaneysay uu gurigiisa ku jiray uuna u qaatay in Al-Shabaab soo weerareen balse markii dambe uu ogaaday in Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida weerarka gurigiisa kusoo qaadeen ayna doonayeen in isaga ay dilaan.




‘’ Waa Sharci daro in Xildhibaan qaran gurigiisa xili habeen madow ah Weerar qaawan lagu soo qaado iyada oon lasoo war galin , wali ma garan karo ujeedka ka dambeeya Weerarka ay Nabad sugida gurigeeyga kusoo qaadeen balse waxaan u qaatay in qurshuhu ahaa in aniga la i dilo ‘’ Ayuu Yiri Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare.




Xildhibaanka ayaa beeniyay in Ciidamada Nabad Sugida ujeedkoodu ahaa in ay weeraraan Guriga Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad , waxa uuna wax kama jiraan ku tilmaamay in xiliga uu weerarku dhacayay uu gurigiisa uusan ku sugneen Siyaasian.




Cabdi Wali Qanyare ayaa tilmaamay in Weerarkii xalay ay ilaaladiisa kasoo gaartay dhaawacyo iyo sidoo kale qasaarooyin soo gaaray guriga uu dagnaa iyo gaadiid guriga yaalay , waxa uuna intaa raaciyay in ay maqal ku hayaan in Sargaal katirsan Nabad Sugida uu Weerarkaasi ku dhinteen ayna gadaal ka toogteen Ciidamo kale oo Nabad Sugida katirsan.




’’ Waa Yaab ma Al-Shabaab ayaan iska ilaalinaa Mise Ciidamada Qaranka oo loogu tala galay in amaankeyna ilaaliyaan , waa waajib in aad iska difaacdo cid kasta oo gurigaaga weerar gardaro ah kusoo qaada, waana ayaan daro in Ciidankii Xildhibaanada la beegsanayo ilaalin lahaa ay hada usoo dhigtaa in iyaga ay dilaan,’’ ayuu Yiri Mr Qanyare.




Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin Weerarka Fashilmay ee xalay Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida ku qaadeen Guriga




Gobanimo News.Com




Muqdisho Office