Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo dhaliilay Shirka Khaatumo ee Saax-dheer

Hargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa markii ugu horaysay ka hadlay aragtidiisa ku aadan tegitaanka Wasiirkii hore ee hawlaha Guud ee Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo u wareegay dhinaca Puntland.
Baashe Maxamed Faarax oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa daboolka ka qaaday in tegitaanka Xaabsade ee Puntland wax saameyn ah ku yeelan doonin qadiyada siyaasaddeed iyo nabad-gelyo ee Gobolka Sool oo ay dhalasho ahaan ka soo wada jeedaan siyaasigan Garoowe ka soo muuqday isagoo xil la taliye ka haya Somaliland ee Axmed Cabdi Xaabsade.
“Tegitaanka Xaabsade ee Puntland wax saameyna kuma yeelanayso qadiyada gobolka Sool”ayuu yidhi Baashe.
Guddoomiye ku-xigeenka Wakiillada Somaliland ayaa intaas ku daray “Gobolka Sool, waa Somaliland.
cid meel kale u wareejin kartaa ma jirto haday xaabsade tahay iyo haday Cali Khaliif tahayba”ayuu yidhi Baashe oo ku adkaystay “Sool waa Gobol dawlad leh oo nidaam ka jiro hadii qof dusha ku qaadan karayana dee meel jirtaba maaha”ayuu yidhi.
Baashe Maxamed Faarax ayaa sidoo kale ka hadlay shirka Maamulka la baxay Khaatumo uga socda Degmada Saax-dheer, halkaasoo dawlad goboleed cusub lagu dhamaystirayo, waxaanu arintaasi ku tilmaamay mid faro-gelin ku ah Somaliland, oo soo noqnoqatay, isla markaana talaabo laga qaadi doono.
Baashe ayaa ugu dambeyn jawaab ka bixiyay dhawaaq shalay ka soo yeedhay Asxaabta Siyaasada iyo Madasha Toosinta Qaranka ee Somaliland oo heshiis ku gaadhay in Dawlad ku-meel-gaadha dalka laga dhiso hadii dib u dhac ku yimaado doorashooyinka Somaliland.
Baashe ayaa Kooxda la baxday madasha wada-tashiga ku eeddeeyay inay gudcur gudayaan oo aanay awood sharci u lahayn arrimaha ay ka hadleen ee doorashooyinka iyo loolanka siyaasaddeed ee ay dalada u samaysteen.
“Madasha wada-tashigu maaha xisbi jira, wax sharci ah oo ay ku dhisanyihiina ma jirto,markaa waxba kama dhacaan dadka shacbiga ah ee suuqa jooga”ayuu yidhi.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com