Hargeysa (GNA)-Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, ayaa ku eedeeyay wasiirka duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi in lacago sharci darro ah uu ka qaado rakaabka madaarada ka dhoofa iyo kuwa ka soo dagga, lacagtaas oo aan ahayn lagta golaha wakiilada Somaliland, ee ahayd $10.
Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha wakiilada Somaliland, waxa uu xusay in ay golaha ay horkeeni doonaan mooshin ka dhan wasiirka duulista hawada
Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay fariimo wasaarada duulista hawada dadwaynaha ugu soo dirtay telifoonada kuwaas oo ay ku wargalinayso inay ku soo talo galaan canshuurta rakaabka dhoofaya oo ah $ 43, waxaa kutilmaamay inay lacagahaasi yihiin kuwo jeebkiisa ah oo aan sharici ahayn waxaanu dadwaynaha ugu baaqay inaanay lacagtaasi bixin waxaanu yidhi isagoo arrimaahi ka hadlaya
“Horta waxaan Golaha wakiilada la marin oo ummada laga qaadi karaa ma jiraan oo waa xaaraan. Waxa wax lala yaabo ah Farriimo ayaa dadka loo soo dirayay la leeyahay Lacagtaas ayaa la qaadayaa oo intaas ah, ma isagaa sharciga samaysta Ninku (Wasiirka Duulista), Waxani waa jeebkiisa ummadana waxaanu u sheegaynaa 10 Dolar ayuu goluhu ansixiyay, kuwaas oo dhowr meelo kala duwan ah wixii kale waa sharci daro, waa jeebkiisa, waxay qayb ka tahay Lunsiga hantida umadda ee la wado.markaa waxaanu leenahay umadda iska jira jeebkiinana gacanta ha galinina arintaasi waa xaaraane”Ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale
Waxa uu intaasi raaciyay Xildhibaan Tukaale “Waxaanu imika soo jeedinaynaa sidii Goluhu kalsoonida ugala noqon lahaa Madaxweynuhu ama xilka ha ka qaado ama yaanu ka qaadine”.
gobanimonews
Hargeysa Office