Monday, August 18, 2014

Haweenka Khaatumo oo la hubeeyay


Astaan muujinaysa Colaad Gaamurtay oo SSC ku habsatay




[caption id="attachment_93295" align="alignleft" width="300"]Hubaynta Haweenku waa astaanta naf hurnimada Hubaynta Haweenku waa astaanta naf hurnimada [/caption]Laascaanood(GNA)-Mid ka mid Sawirro lagu faafiyay Baraha internet-ka ee u gaarka ah Taageerayaasha Maamulka la baxay Khaatumo ayaa muujinaya Haween hubaysan oo dagaal u diyaar garoobay.




Tani waa astaan ka turjumaysa colaad xad dhaaf ah oo la geliyay dadka deegaamada SSC ku dhaqan oo tan iyo markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya la kacaa kufayay kala qaybsanaan siyaasaddeed iyo dib u dhac isubarkaday dhulka ay ku noolyihiin.




Haweenkan qoryaha sita ayaa wajiyadooda laga dheehanaya inay dagaal u diyaar garoobeen, isla markaana ka mid noqdeen naf-hureyaasha ay ku adeegtaan kuwa hagaya siyaasadda aan madaxa iyo minjaha lahayn ee ka socota goboladan.




Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ayaa aakhirkii isugu biyo shubtay inuu noqdo hogaamiyaha siyaasaddeed ee Beelaha Dhulbahante, waxaanu haatan waajahaya xaalad cusub oo uu ugu sii negaado Gobolada Sool iyo Buuhoodle.




Laakiinse ma cadda inuu horseedi doono marxalad degenaanshiyo iyo nabad waarta ku soo dabaasha Mandaqadan dugsanaysa deegaamada nabdoon ee Somaliland iyo puntland muddo dheer ku muransanaa dhulkaas.




Xaalkase hada taagan waakan  muuqda ee ay hooyooyinku inta ay guryaha ka soo baxeen lagu taxay Qoryaha Daba laabka iyo Dhameyaasha ah.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com