Wuxuu isla maanta awaamiir ku soo rogay Shaqaalaha xeer-ilaalinta?
Muqdisho, 06 Agoosto 2014(GNA)- Munaasabad xafiiska uu kula wareegay Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka Abukate Axmed Cali Daahir ee dhaawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya magacaabay ayaa maanta lagu qabtay xarunta Maxkamadda Gobolka ee Muqdisho.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxa ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Cadaaladda & Arrrimaha Dastuurka, Hanti-dhowrka Qaranka, Taliska Boliiska, Taliska Nabad-sugida Maxakmadaha Racfaanka, Gobolka, Garsoorayaal iyo howl wadeeno ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta guud ee Qaranka.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Dahir oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay howlaha ugu horeeya ee uu qaban doono xafiiska xeer ilaalinta Qaranka iyo mowqifkiisa ku aadan la dagaalanka musuq maasuqa.
“Waxaan hirgelin doonnaa sareynta sharciga sidaad ogtihiin sharcigu cid kasta ayuu ka sareeyaa, in la hergeliyana waa waajib Diini ah iyo mid dowladeed, waxaan ka qeyb qaadan doonnaa dib u habeynta garsoorka Dalka”.
“waxaan la dagaalami doonnaa musug maasuqa, waad ogtihiin heerka musuq maasuqu ka joogo Dalka, wuxuu marayaa heer loo aqoonsado inuu ka mid yahay shaqada xafiiska. Xafiiskaan Xeer ilaalintu shaqada ugu horeysa ee uu qaban doonno waa la dagaalanka masuq maasuqa ee ka jiri kara xafiiska gudahiisa iyo dhammaan hey’adaha dowladda” ayuu yiri Xeer Iliaaliyaha Guud ee Qaranka.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda ayaa isagoo sii hadlaya yiri“Xasaanadda hey’adaha garsoorka iyo hey’adaha kale ee dowladda intaba waxaa siiyey shacriga, haddaysan ilaalineynin sharciga xasaanadooda waxba kama jiraan ayey noqoneysaa. Awooda xasaanadda ee aad heysato waxaa loo baahan yahay in aad sharciga ku ilaaliso, waxaan rabaa in aan fariintaas u diro cid kasto oo ka tirsan hey’daha Dowladda” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa isla maanta soo saaray awaamiir ku socota howl wadeenada xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka isaga oo amar ku bixiyey in ay joojiyaan ka qeyb qaadashada dacwadaha madaniga ah ee aan quseyn, islamarkaana sharcigu uusan oggolayn in ay ka qeyb qaataan.
wuxuuna sidoo kale ballan qaaday inuu furi doonno xafiiska ilaalinta xaquuqda Shacabka (consumer protection service) si looga ilaaliyo shacabka xadgudubyada sameynaya noloshooda.
Ugu dambeyntii, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Daahir Cali ayaa sheegay in qorshaha dhaw xafiiska uu ka mid yahay in dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka la gaarsiiyo adeega garsoorka gaar ahaan xafiiska Xeer ilaalinta iyo sidoo kale in la kordhin doonno qalabka iyo aqoonta xafiiska Xeer ilaalinta.
Xeer-ilaaliyihii hore ee Xilka laga qaaday ayaan ka soo qayb gelin xaflada Xil-wareejinta, taasoo muujinaysa inaanu diyaar u ahayn inuu xilka wareejiyo.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com