Pages

Thursday, August 14, 2014

Xaaladda Laascaanood oo deggen, dibad-bax isku dhac sababay kaddib


Laascaanood(GNA)-Waxa saaka ka dhacay magaalada Laascaanood Dibad-bax lagu taageerayo Maamulka la baxay Khaatumo oo shir uga socdo degmada Saax-dheer.




Dibad-baxa ayaa sababay isku dhac ciidanka Ammaanka iyo dad rayid ah dhex maray, kaddib markii ay ciidanku isku dayeen inay joojiyaan.




Dad goob-joogeyaal ayaa ku waramay inay Bilayska iyo shacbigu rasaas isweydaarsadeen.




Laakiinse markii dambe xaaladu waxay ku soo noqotay, iyadoo ciidanka Bilaysku ammaanka Magaalada si buuxda gacanta ugu dhigeen.




“Xaaladdu waa caadi iminka way kala degentahay, wax dhibaato ahi ma jirto”sidaasi waxa Gobanimonews khadka Telefoonka ugu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka ammaanka ee Gobolka Sool.




Waxaase magaalada ku jira guuxa iyo hadal haynta loogu hanqal taagayo Doorashada Madaxweynaha cusub ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo maanta lagu doortay Magaalada Saax-dheer.