Pages

Thursday, August 14, 2014

War deg deg ah: Nin Dhalinyaro ah oo lagu Dilay Hargeysa


Hargeysa(GNA)-Nin Rayid  ah ayaa xalay lagu dilay Xaafadda geed-goble  oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax ee Magaalada  Hargeysa, kaddib markii uu Mindi ku weeraray mid ka mid ah Ragga Habeenkii xaafadda  Ilaaliya ee Gaadhka loo yaqaano.




Xuseen Axmed Muuse oo qiyaastii da’diisa lagu sheegay 35 Jir , ayaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada ku geeriyooday, kaddib markii  isagoo dhaawac ah halkaasi la keenay.




Sida ay Saraakiisha Caafimaadka Cisbitaalka guud u xaqiijiyeen Gobanimonews, Ninkan ayaa  Mindi laga geliyay Naaska bidix hoostiisa, taasoo qiyaastii halbowleyaasha wadna gaadhay nabar gaadhsiisay, maadaama uu dhinac bidix ku yaallo waddnuhu.




Dilka ayaa dhacay goor dambe oo abaarro labadii saacadu ahayd, waxaana la sheegay inuu ka dhashay ismaan dhaaf dhex maray Ninka dilka geystay iyo marxuumka dhintay, inkasta oo aan faahfaahin cad wali laga helin sababta.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Bilayska oo la xidhiidha dilka, hase ahaatee qaar ka mid ah ehelada Marxuumka oo Gobanimonews la xidhiidhay ayaa xaqiijiyay dhimashada wiilkani inay timi kaddib markii uu Nin ka mid ah Gaadhka xaafadu Tooray geliyay.




Maydka Marxuumka ayaa la dhigay qolka Maydka ee Cisbitaalka, halkaasoo la dhigay kaddib markii uu ku dhintay qaybta gargaarka deg deg ah oo wax ka yar labaatan daqiiqo yaalay, sida ay xaqiijiyeen goob-joogeyaal.




Xaafada Geed-goble oo ka bilaabanta agagaarka Dugsiga Gacan-libaax, islamarkaana kor kaga beegan xaafada qadiimiga ah ee Fakinka, ayaa waxa muddo ka hor lagu dilay nin ka mid ahaa shaqaalaha Wakaalada Korantada dawladda, kaasoo Nin hubaysani weerar ku qaaday xilli fiid ah.




Dhalinyarada Habeenkii xaafadaha Ilaalisa oo inta badan markoodii hore ahaa kuwa qalqaaliyiinta ah ee Tuugada iyo falalka kale ee anshax xumada ah sameeya ayaa hadana markii loo sameeyay shaqadan oo ay guryaha lacag joogto ah oo mushqaayad ah kaga qaataan aad loogu reeyay.




Waxa ay ka diwaan-gashanyihiin laamaha ammaanka, iyadoo sannado ka hor dawladdu si rasmiya u aqoonsatay inay qayb ka yihiin laamaha amniga qaabilsan ee aan hubaysnayn.




Ma dhacdo inta badan waxyeello ay u geystaan dadka caadiga ee dhex maraya ama degganba guryaha ay ilaaliyaa, waxaanay dhacdadani noqonaysaa tii ugu horaysay ee nooceeda ah inta la xasuusto.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com