Pages

Wednesday, August 20, 2014

Wasiir Xaglo-toosiye oo booqasho ku maraya Degmooyinka Xeebta iyo Gubanka Saaxil


[caption id="attachment_93440" align="alignleft" width="300"]Wasiirka iyo Weftigiisa oo ku sugan Deegaan mashaariic ka socoto Wasiirka iyo Weftigiisa oo ku sugan Deegaan mashaariic ka socoto[/caption]Hargeysa(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo wefti ka socda Wasaaraddiisa, oo booqasho ku maraya deegaaamada Xeebta ku yaalla ee gobolka Saaxil, ayaa maanta gaadhay Degmada laasciidle oo dhinaca Bari ugu baalaysa Gobolkaas.




Xaglo-toosiye iyo weftigiisa ayaa u kuur gelaya Adeegyada caafimaad ee deegaamada ay marayaan, halkaasoo ay dhinaca kale mashaariic caafimaad oo cusub ka ka dhagax dhigayaan deegaamada qaar, kuwo dhamaadayna furayaan.




Weftiga oo xalay ka ambo baxay Magaalada Berbera ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaamada socdaalka ku soo mareen maanta, isagoo Wasiirku warbixino ka dhegeystay dadka deegamdaas oo uga waramay baahiyahooda dhinaca caafimaadka.




Xeebta Gobolka Saaxil iyo deegaaamada dhinac gubanka ee Koonfurta ayaa ah dhul qarfe ah oo aan inta badan adeegyada aasaasiga ah ee dawladda si wanaagsan bulshadu u wada helin, waxaana ugu daran baahiyaha waxbarashada , caafimaadka iyo waliba xarumaha garsoorka oo aad ugu yar.




Deegaamo badan oo gubanka  ah,  Masaafo dheerna loo kala socdo caasimada Gobolka ee Berbera , isla markaaana aan lahayn waddooyin ay gaadiidku maraan oo fiican, ayaa dhawaan laga soo sheegay duruufo xagga nolosha ah oo aad u qalafsan.




Cabashooyin xooggan oo ka soo yeedhay dadka Dhulkaasi ku nool, ayaa la kowsday bilowga Olole la doonayo in waddooyin nadiif ah lagaga sameeyo deegaamadaas, si loogu xidho  magaallooyinka waaweyn.




Weftiga Wasiirka iyo xubnaha weheliyaa ku marayaan dhulkaasi qarfaha ah iyo xeebta ayaa lagu wadaa inuu qaato muddo saddex maalmooda oo kale, iyagoo intaasi isku soo mari doona dhul masaafo isku jira oo buuralay iyo Caro-weyn ah.[caption id="attachment_93439" align="alignleft" width="300"]Nimcan Axmed SLNTV Nimcan Axmed SLNTV [/caption]




Liidashada adeegyada aasaasiga ah ee deegaamadaas oo sida l sheegay Talaalku dirqi ku gaadho, ayaa khasbaysa inuu Wasiir xaglo iyo Wasaaradiisa caafimaadku ka jawaabta baahiyo ka miisaan culus qorshaha ku talo-galkooda ee hore.




Hase ahaatee mashaariicda ay hada wasaaradda caafimaadku ka fulinayso Gobolka Saaxil, ayaa qayb k ah Mashruuc mucaawimo ku kacaya lacag gaadhaysa saddex Milyan oo Dollar oo loogu talo-galay in lagu horumariyo caafimaadka Gobolk Saaxil.




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com