Pages

Wednesday, August 20, 2014

Maareeyaha Xafiiska Samafalka Wasaaradda Dibu-Dejinta Somaliland Oo Weli Iska Indho Tiraysa Digreetadii Madaxweynaha, Kana Hadashay Hawlo Aan Shaqadeeda Ahayn


 




 “Xukuumadayadani ma sheegto waxaa ay qabto mana rabno in aanu ku faano “Maareeye Aamina Maxamuud Diiriye




Maareeyaha (Gobanimonews)19-8-2014-Samafalka Wasaaradda Dib Udejinta Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa ka hadashay Waxqabadka Xukuumadda ay ka tirsan tahay ee hada taladda haysa ee Xisbiga Kulmiye oo ay sheegtay inay tahay tii ugu waxqabadka badneyd iyo Mucaaridkuna indhaha ka qarsadaan arimaha horumarka ee Xukuumaadda taladda dalka haysa ku talabsatay muddii ay kursiga ku fadhiday.




Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo shalay Xafiiskeeda Magaaladda Hargeysa Shir Jaraa’id ku qabatay,ayaa Axsaabta Siyaasadda ee dalka ka jirta ay doonayaan inay taageero ku helaan Qabyaaladda oo ay sheegtay inay Bulshadda kaa dhex wadaan waxana ay Xustay in Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo yahay shaqsi dalka u soo halgamay oo wax badan u soo qabtay imikana dadkiisii horumar iyo barwaaqo u horseeday.




Maareeyaha Samafalka Wasaaradda Dib Udejinta Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye  oo arimahaasi ka hadlaysay waxa ay tidhi “Hadaanu nahay xisbigan xukuumadan ka dhalatay xisbiga kulmiye waxaan jecelahay baryo dhawayd waxbaa aad loo buun buuniyey runtii oo dalka meelo ka midaa dalka ma wada aha laakin meelo ka midaa si beelaysan wax looga waday horta marka ugu horaysa xisbigii ugu mucaaradada badnaa ugu mucaaradada wanaagsanaa ugu dadka badnaa ayuu ahaa xisbiga kulmiye iminkana yahay  madaxweynaha jamhuuryida somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo wixii uu qabtay  cidii indha qabtaana way arkaysaa cidii indha heedu si kale u jeedaana arki mayso ku waana Ilaahay ha tuso ayaanu leenahay wax qabadka ay xukuumadu qabatay markaanu xisbiga mucaaradka ah ahayn waxaanu wadnay hogaamiye markaanu xisbiga mucaaradka ah ahayn waxaanu lahayn oo aan ku kaambi garaynaynay waxbaanu soo qabanay waxaa ka midaa waxaanu soo qabanay guushaa maanta dalku somaliland ku yahay calanka ku leedahay ee dastuurka ku leedahay la soo noqoshadii gobonimada somaliland hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ee ahaa muj,axmed maxamed maxamud siilaanyo mudo farabadan soo hogaaminaayey ururkii  SNM ee dalkan xoreeyey abaal badan ku leh dadka ayaanu horta wadnay ee anagu maanaan wadin shaqsi caadi ama siyaasi caadi ah maanaan wadin qabyaalada”




Aamina Maxamuud Diiriye  oo ka hadlaysa qabyaaladda oo baryahan dambey dalka ku soo badaneysay waxa ay tidhi “Qabyaaladu sidii quraanka ku taalay in laysku garto uun weeyaan in lasyku garto ayaa qabyaalada loo sameeyey laakiin in lasyku takooro looma samayn waxaan leeyahay idaha mucaaradki ah ama inta danaha gaarka ah ku shaqaysata horta kulmiye wax kala tagay malaha wax qayaalad ku kala tagayana ma nihin bari iyo galbeed oo dhanbaanu iskaga kala nimi somaliland oo dhan ku koobnayn hala daayo qabyaaladaa lagu shaqaysanayo ee dhalin yaradii ubaxa wadanka ahayd ee mutacalimiinta ahayd ee jaamiciyiinta ahayd ee dalka maanta hormuudka ka noqon lahayd ee badeli lahayd baritoole xukuumadaha kala danbeeya in maanta ka yidhaah qabiil qabiilkaasaad tihiin iyo kaasaad tihiin aad iyo aad ayaanu uga xunahay”




Maareeyaha Samafalka Wasaaradda Dib Udejinta Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye   waxa ay ugu dambeyntii intaasi raacisay“Xisbiga is leh maanta dadbaad ku helaysaa xisbigii kulmiye waxaa jirta waa Dimuquraadi kulmiye dhexdiisa ayaa dimquraadiya waad ogoydeen baryahii dhawayd ee la lahaa kulmiye wuu kala tagay wax kala tagay ma jiraan kulmiye waa mid kaliya xisbigayagu waa xisbigii markii uu mucaaradka ahaana shidnaayee shaqaynayey iminkana hadaaad xafiiska kulmiye aad tagto aad yaabayso dadka iyo siday shacbiyadiisu u joogaan waxaan halkan dadkii reer kulmiye ka raali galinaya dhamaantood ee sida fiican u soo shaqeeyey niyada wanaag san hayey wixii barigii dhawayd yara dhacay ee siyaasada ahaa ee dimuquraadiga ahaa kulmiye dhexdiisa waa lagu dooda ilaa madaxweynaha ayaa lala dooda ilaa gudoomiyahaa lala dooda waa dadbadan wax badan soo maray runtii muj,axmed maxamed maxamud siilaanyo iyo hogaamiyayaasha xisbiguba waa dad mudo badan geed soo wada hoos fadhiyey dad saa ku kala tagaya maaha maanta maantana gacmahay is haystaan horena gacmahay igu haysteen wax khilaafoo jiray ma jiro”





Wariye Mr Hudle




Gobanimonews/Hargeysa/Somaliland