Pages

Wednesday, August 13, 2014

Taliyaha qaybta Bilayska Togdheer oo canaan u jeediyay Askar uu xidh-xidhay


ilkBurco (GNA ) Shir-Jaraid Oo Uu Xafiiskiisa ku Qabtay Taliyaha Qaybta Booliska  Gobalka Togdheer Gaashaanle Cabdi Muuse C/Laahi ayaa markii Ugu Horraysay ka Hadlay askar ka tirsan  ka  Ciidanka Poice-ka  Togdheer Oo Habeen Horre Loo Taxaabay Xabsiga Dhexe.




Taliyaha ayaa sheegay inay askartaasi cabasho aanay waxba ka ogayn warbaahinta mariyeen, isla markaana Guryaha ay sheegeen in la iibinayaa yihiin Kuwo Bilaysku leeyahay oo cid gaar u sheegan kartaa jirin.




" Hadii Aanu Nahay Hogaanka Booliska Gobalka Togdheer Waxba Kama Ogin in la Iibinayo iyo in Kala Toona Guryihii Ciidanka Booliska,Guryaha Booliska Ee ay Degan Yihiin Xaasaska Ciidanku Shakhsi Qudhi ma Laha Askarina Gaar Ugama Hadli Karro Waxa Leh Dowladda Waana Guryihii Booliska,Haddi Ama Hala Dhiso  ama Wax Halaga Badalo la Dhaho Waa Arrin u Taala Taliyaha Ciidanka Bilayska,Lakiin Arrin Askari Gaar ahi ka Hadli Karro Maaha,Waayo Askarigu Guraha ma Laha Ee Waa Shakhsi,Guryaha Bilaysku Waxay ka Mid Yihiin Hantida Xafiiskan Oo Kalle ayay la Mid Yihin Waana Hanti Bilaysku Leeyahay,Kolba Askarigii Xaaslay ah Ee Jooga ayaa Galaya, Askarigu miidhyaha kama hadli karo waa ka xaaraan maaha asluubta ciidan wixii ay sameeyeena waa waxa ciidanka u taala,Anigu Taliyaha Booliska Gobalka Togdheer ayaan ahay Maan Maqal in la Iibinayo Guryahiisa Hadii ay Jirtana Anigu Waxaan ka War Sugaya Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland,Lakiin Waxaanu Maanta Halkan Saxafadda Uga Cadaynaynaa ma Jirto Meel Aanu ku Sheegnay Hadii Aanu Nahay Ciidanka Booliska in Aanu Iibinayno Guryahaasi,Cid ay ka Soo Baxday ma Jirto Hadii Aanu Nahay Ciidanka Booliska Ee Kala Duwan Meel Aanu ku Sheegnay in Aanu Iibinayno Guryaha Ciidanka Booliska Burco hadii ay kasoo baxday maamul Gobolna cidii ay kasoo baxday ayaa la waydiinayaa, askarata hadashayna war aanay hubsanin oo aan ciidanimona ku haboonayn ayay ku hadleen Ayuu '' yidhi Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer Cabdi Muuse.




Taliyaha ayaa daba socda xadhiga askar laba maalmood ka hor warbaahinta cabasho ka dhan dawladda hoose ka gudbiyay.




Mid ka mid ah Askartaas ayaa ah Haweenay ka mid ah Ciidanka cabashada jeediyay.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: Axmedm9@hotmail.com