Pages

Wednesday, August 13, 2014

Qiimaha Shidaalka oo cirka isku-shareeray Kenya


Gaadiidleyda Xerada kakuma ee Dalka Kenya oo qarka u saaran Shaqo joojin..




[caption id="attachment_92890" align="alignleft" width="300"]Dadka ku jira Xerada Kaakuma oo Gaadiid waayi doona Dadka ku jira Xerada Kaakuma oo Gaadiid waayi doona[/caption]kaakuma(GNA)-Gadiidleyda xerada qaxoontiga kakuma ee dalka kenya ayaa waxay cabasho ba'aan ka mujiyen qimaha shidaalka oo sare u kacay muddooyinkan dambe.




Qaarkamida gadiidleyda xerada qaxoontiga kakuma ayaa waxay sheegen in qiimaha shidaalka xerada kakuma uu kor u kacey marka la eego Magaalooyinka  kale ee dalka.




Gadiidleyda ayaa intaas ku daray inay iminka ku dhow yihiin in ay baabuurta iska dhigaan sababo la xidhidha kor u kaca qimaha shidaalka oo ay ku tilmaameen qayrul caadi




cabashada gadiidleyda xerada qaxoontiga kakuma ayaa waxay kusoo beeg maysa xilli maalintii shaley u kor u kacey qiimaha shidaalka dalka Kenya oo dhami.




Inta badan sicirka Shidaalka ayaa Kor u kacay wadamo badan oo ku yaalla Bariga Afrika, bishan Augusta ilaa bishii Jully badhtamaheedii.




Korodhka Qiimaha Shidaalka dalal Somaliland iyo meelo kale ayaa ka dhalatay caqabad dhanka suuqyadii Shidaalka laga soo iibin jiray ah.




 Abdirahmaan buurdhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email:  buurdhaab4@gmail.com