Hoos ka Daawo Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madasha wadatashiga oo qalinka ku duugay Heshiis Xukuumaddu ka qaylin doonto??
[caption id="attachment_92671" align="alignleft" width="300"]
Cirro. Faysal, Eng Maxamed[/caption]Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Mada Wada-tashiga Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in xukuumad ku meel-gaadh ah la dhisi doono haday doorashooyinka dalka dib u dhac ku yimaado.
Heshiis saddex geesood ah oo ay ku gadheen Maanta Magaalada Hargeysa ayay sidaasi ku sheegeen, kaasoo ay ka soo saareen baaq wada jir ah iyo heshiis is afgarad oo arrimaha doorashooyinka ku saabsan.
Xildhibaan Rayte oo ka tirsan Xisbiga Waddani,kana mida Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa warbaahinta u akhriyay Nuxurka Heshiiska Xisbiyada iyo Madasha wadatashiga:
Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inaan loo baahnayn muddo kordhin madaxweyne, waxaanu tilmaamay inaan taas la aqbali Karin, loona baahanyahay in dawlad ku meel-gaadh ah talada loo dhiibo, marka wakhtigu ka dhamaado xukuumadan.
Hoos ka daawo: