Pages

Monday, August 11, 2014

Guddoomiyaha Dhalinyarada Gar-xajis oo ka waramay Abaabulka Shirka Magaado.Dhegeyso


ddHargeysa(GNA)- Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Deeq C/laahi Cawale ayaa  ka Xog-waramay halka uu maraayo  Abaabulka shirka  Dhalinyarada Beelaha  Habar Magaado iyo socdaal ku aadan Abaabulkaas oo ay  ugu baxayaan Gobolada Bariga ee dalka




Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Deeq C/laahi Cawale oo goor dhawayd Warbaahinta kula hadlaayey Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ugu horeyn  ka warbixiyey  halka uu u maraayo  abaabulka shirka  dhalinyarada Beelaha Habar Magaado oo uu xusay inuu yahay shir ay aayahooda kaga tashanayaan  dhalinyarada kazoo jeeda beelaha Magaado isagoo isla markaana  ka warbixiyey  Safar ay dhawaan ugu baxeen qaar kamida Gobolada Bari ee dalka oo ay kazoo sameeyeen Gudidii  Dhalinyarada Beelaha Magaado oo hada ka hawl-gala Gobolka Togdheer .




Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Deeq C/laahi Cawale waxa uu sidoo kale madasha kaga dhawaaqay in ayaamaha soo socda ay hogaanka Gudidooda Qabanqaabada Shirku Safar Shaqo ugu bixidoonaan Gobolada bari ilaa Gobolka Sanaag oo ay safarkooda kusoo afjari doonaan




Gudoomiye Deeq oo arimahaas ka  hadlaaya ayaa waxa hadaladiisii ka mida ahaa” Waxan maanta halkan iskugu kiin yeedhay inaan idiinka xog waramo halka uu maraayo  abaabulka iyo qabanqaabada shirkii aayo ka tashiga Dhalinyarada beesha Magaado ,Sidoo kale waxanu dhawaan safar shaqo ku tagnay  oo arintraaas la xidhiidha  gobolada bagi ee Saaxil iyo Togdheer kuwaas oo aanu kazoo hirgalinay Gudiyadii matali lahaa Gudidan ee ka abaabuli lahaa Gobboladaasi oo  hawshoodii si wacan uga wada goboladaasi”




Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Deeq C/laahi ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyey  Safar ay  dhawaan ugu baxayaan gobolada Bariga Dalka isagoo arimahaasi ka waramaayana waxa uu yidhi “ shan cisho ka dib waxanu safarkii gunta iyo gabagabada ahaa ee hawlaha abaabulka shirka dhalinyarada Magaado  ugu baxaynaa Gobolada Bariga dhaw iyo bariga fog ee dalka kaasoo aanu kusoo gabogabayn doono Gobolka Sanaag”




Ugu Danbayntii Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Deeq C/laahi waxa uu ku wargaliyey Xubnaha Ururka Dhalinyarada Beelaha Garxajis ee daalo Shir balaadhan oo dardaaran ah oo ayaamaha soo socda ay kusii qaban doonaan Caasimada Hargeysa




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Warka-Gud-Daalo.mp3"][/audio]