Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo maanta furay Shir lagaga dooday xeerkan iyo dareen celinta khubarada dhaqaalaha?Warbixin GNA
[caption id="attachment_92484" align="alignleft" width="300"]
muuqaalka guud ee Madasha Shirka[/caption]Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa markii ugu horaysay la sameynayaa Xeerka Xawaaladaha oo ah mid lagu maamulayo nidaamka lacag dirista ee gudaha iyo dibada, lagagana hortegayo Lacagta Faalsadaha iyo dambiyada kale ee lagu galo nidaamka xawilaadaha.
Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa ku guulaystay inuu soo hor-dhigo Shirkaddaha iyo laamaha kale ee dawladda diyaarinta Xeerkan oo aan wali Hay’adaha Xeer dejinta loo gudbin, waxaanay noqotay arrin si weyn loo soo dhaweeyay, laakiinse wali tafsiir badan u baahan.
Xawaaladaha lacagta u kala gudbiya gudaha iyo dibada dalka ayaa hore nidaam ahaan ka dhex muuqday Shuruucda Bangiga dhexe ee dawladda, hase ahatee waxay ku shaqaynayeen suuq-ganacsiyeed xor oo aan xakame adag lahayn.
Samaynta xeerkan ayaa muhiimad weyn u leh la xisaabtanka iyo Maamulka Dawliga ah ee Xawaaladdaha, waxaanu sidoo kale qayb weyn ka qaadanayaa sugida ammaanka Lacagta, si looga hortago lacagaha u gudbaya kooxaha shida-wadeyaasha loo aqoonsaday ee Geeska Afrika.
Laakiinse sida ay ku dooddayaan ku xeel-dheerayaasha Dhaqaaluhu “inkasta oo aan wali goleyaasha baarlamanka loo gudbin, hadana waa xeer maxaliya oo gudaha dalka ka shaqayn kara”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Khabiir muddo dheer ka soo shaqaynayay Bangiyada Somaliland.
Aadan, ayaa sheegay “ waxa laga yaabaa inay Shirkaddo dabada ka riixayaan oo ay doonayaan inuu nidaam ahaan si caalamiya ugu shaqeeyo”.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici ), oo Maanta magaalada Hargeysa ka furay kulan maalinle ah oo looga doodday xeerkan, kaasoo ay ka soo qayb galeen Shirkadaha lacagta xawilaha, Xukuumadda, xeer-dejiyeyaal, Khubaro dhaqaale iyo dad kale oo Ganacsadeyaal u badan, ayaa soo dhaweeyay aasaaska sharcigan.
Saylici ayaa qeexay Kaalinta ay Shirkaddaha lacagta xawilaa ku leeyihiin Dhaqaalaha dalka. “Xawaaladuhu waa laf-dhabarta Dhaqaalaha dalkeena”ayuu yidhi.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland,ayaa tilmaamay “waxay suurto geliyeen in Qurbo-joogu kaalin fir-fircoon ka qaataan dib u dhiska dalka, hadii aanay Xawaaladaha lacagta soo marina waxa iman lahayd inaan mar walba gurmad deg deg ah waydiisano adduunyada.
Markaa shirkaddahaa waxaanay u baahanyihiin inay Iskaashi iyo wadashaqayn la yeeshaan Bangiyada iyo Dalalka Caalamka”.
Hir-gelinta Qowniinkan ayuu sidoo kale iftiimiyay inuu wax ka tari karo xaasaasiyada dalalka reer Galbeedku ka muujiyeen lacagaha soomaaliya loo soo diro.
Go’aankii Ingiriisku ku joojiyay Xawaaladaha Soomaalida ee lacagaha ka soo xawila dalkaasi , ayuu saylici ku tilmaamay mid dhaawacayay dhamaan kaabeyaasha dhaqaalaha Bulshada somaliland ee maalinle ah iyo kan Gobolka oo dhan.
Saylici oo arintaa ka hadlay ayaa yidhi “Markii Xawaalada Lacagaha soo dira ee Soomaaliyeed Ingiriisku joojiyay waxay ka dhignayd iyadoo la jaray mid ka mid ah Halbowleyaasha Nolosha ee umaddeena.
“Waxaanay keenaysa Dhaqaale bur-bur, dayac, dib u dhac iyo sharci saameeya dadka danyarta ah”ayuu kaga dhawaaqay Kulanka Xeerka lagu faaqidayay.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale oo ka hadlay Shirka ayaa soo dhaweynta Xukuumadda ee xeerkan sii raaciyay “Xawaaladduhu waxay hayaan shaqo aad iyo aad u weyn oo culus”.
Dhinaca kale Wasiirka Daakhiliga Cali Maxamed War-cadde xusay sugida dhaqdhaqaaqa lacagtu nabad-gelyada qayb ka yahay, isagoo astaan uga dhigay aqoonsiga dadka lacagaha dira iyo kuwa loo soo diro hubinta Kaadhkooda dhashada.
“Kaadhka Aqoonsiga ee Mawaadiniinta ayaa lagu xakameyn karaa dadka lacagaha ka qaata xawaaladaha ama ku dira”Waran cadde ayaa sidaa yidhi.
Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo hogaaminayay Khubarada iyo dejiyeyaasha Xeerkan, ayaa sheegay inay muddo ku qaadatay hindisaha, abuurista, gorfeynta, diyaarinta iyo waliba soo bandhigista Xeerkan.
Guddoomiye Dirir oo Shirka kaga khudbaddeeyay Luuqada Ingiriisiga ayaa tilmaamay in sharcigan wax badan ka tarayo habka ay dalka uga shaqeeyaan Xawaaladuhu iyo qaabka ay lacagaha u soo diraan.
Waxa uu damaanad buuxda ka bixiyay inay Kalsooni ay ku qabaan awgii ay u arkaan mid Somaliland oo dhan anfacaya.
Gabagabadii Shirkan, maamulaha Shirkada ugu weyn Xawilaada, Lacag dhigashada iyo adeegyada kale ee dhaqdhaqaaqa Lacagaha ku saabsan ee Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil, oo u hadlay dhanka Sharaa’iga shirka ka soo qayb galay ayaa si buuxda u soo dhaweeyay Xeerka Xawaaladaha Somaliland.
Cabdirashiid oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay “caalamka oo dhan dal kastaa wuxuu leeyahay sharci lagu dhaqo xawaaladaha, Somaliland in loo sameeyaa waxay faa’ido u tahay dalkeena oo dhan”ayuu yidhi ina Dahabshiil.
“wax badan ayuu inaga caawinayaa oo dhinaca xawilaada lacagta ah, waanan soo dhaweynaynaa runtii aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Si kastaba ha ahaatee xeerkan ayaa diyaarin iyo falanqeyn kaddib u gudbaya Hay’adaha Xeer-dejinta ee dalka oo go’aan ka gaadhi doona, isla markaana wax ka bedel iyo Kaabis wixii lagu samaynayo dib u eegi doona.
Iyadoo hadii uu ka gudbo Baarlamanka Madaxweynuhu saxeexi doono dhaqan gelintiisa, kaddibna faafin lagu samayn doono.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com