Thursday, August 7, 2014

Burco: Dad cadhaysan oo ku Mudaharaaday Wasiirka Cadaaladda +Sawiro


Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo Dhibaneyaashii u cawday  caddeeyay inaanu waxba ka qaban Karin Musuqmaasuqa Garsoorka Gobolka,Sababtu maxay tahay?




[caption id="attachment_92490" align="alignleft" width="300"]isagoo dibada kula hadlay isagoo dibada kula hadlay[/caption]Burco(GNA)-Dadwaynaha reer Burco ayaa cabasho kala hor yimi Wasiirka wasaarada Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo booqasho hawleed ku jooga Magaaladaas.




Cabashada dadweynaha ayaa timi Xilli uu  saaka Wasiirku Hoolka Maxkamadaha Burco ka dhagax dhigayay xarun loo dhisayo Wasaarada cadaalada ee GobolkaTogdheer.  [caption id="attachment_92491" align="alignleft" width="300"]Garnaqsigii shacbiga iyo doodii wasiirka Garnaqsigii shacbiga iyo doodii wasiirka[/caption]




Wasiirka oo ku guddo jira dhagax dhiga Xafiiska ayaa dadweyne Garsoorka ka cabanayaa ku soo uruureen, iyagoo gadoodsan.




Dadwaynahan oo Kiisas uga socda maxkamadaha Magaalada Burco oo Kaambool ku wada jira, ayaa hadalo qaylo iyo cabasho ah ku bilaabay, Xuseen Axmed Caydiid, iyadoo Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo goobta joogay indhahooda ku arkayeen iyadoo dadku ka dalbanayaan wasiirka inuu wax ka qabto dhibaatada Garsoorka Gobolka ay kala kulmeen.




Caasha Axmed Cali oo ka mid ahayd dadwaynahaa cadaalada ka cabanayay, ayaa iyadoo Oohin darteed Ilmaynaysa ku tirowday '' waxan la ooyayaa dhibaato, dhibaato ayaa naga haysata meeshan”




Warsame Nin magaciisa ku sheegay oo Wariyeyaasha Gobanimo la hadlay ayaa isna sheegay ''waxaan ka cabnayaa maxkamadaha Burco Guri dhaxal ah oo aanu isku haysano ayuu xayiraadii u diiday,nin garsoore ah oo la yidhaahdo jaamac nuur”.ayuu yidhi




 “waxaaanu wasiirka ku leenahay naga bedel garsoorayaashan mid waa cayn ee naga bedel,miyaa la qabtaan wasiir”sidaasna waxa wasiirka u sheegay nin oday oo aanaan magaciisa aqoonsan.




“sideed iyo Toban sano ayaan maxkamada ku jiray oo cadaalad daro iga haysatay”,sidaas waxa ku qaylinaysay islaan kale oo da,ah,




Mid ka mid ah Haweenka Wasiirka ku muusanaabay ayaa iyana sheegtay in Gabadh yar oo ay waday laga kufsaday “Inanta yar ee dhawrka sano jirtay ayaa layga kufsaday, mudadiina way igu dheeraatay marwalba dariiqa masoo haynkaro”.




Waxay intaas ku dareen dadka hadlay “Garsoore  ma hayno, shicibkaa wasiiro ku tihiin ee hoos hanaloo eego”.




Wasiirka ayaa dadwaynaha cabanayay wax rejo ah oo uu ku qancinayo u sheegin, isagoo ku dooday in bedelka Garsooreyasha Gobolku aanay dhaqaale ahaan xilligan suurto gal ahayn.




“Hadii aan kuwan bedelno oo aan keeno qaar gobollo kale ka yimi, taasi waxba kordhin mayso oo Nin Garsoore ah oo Gobolka aan u dhalan oo reerkiisii aanu degenayn hadii aan keeno dhibaato ayay keenaysaa” ayuu ugu jawaabay dadweynaha Wasiir Xuseen Axmed Caydiid.




Si kastaba ha ahaatee maxakamadaha sadexda derejo ee Gobolkan Togdheer ayaa waxa  buux dhaafiayay kiisas in badan hor yaalay iyo kuwo Fulin uun u baahan oo aan wax talaabo ah laga qaadin, arrintaasoo qayb weyn ka ah cabashada shacbiga ee Wasiirku la kulmay.[caption id="attachment_92489" align="alignleft" width="300"]Muuqaalka dadweynihii ku gadooday Muuqaalka dadweynihii ku gadooday[/caption]




Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa marar badan ku faanta in isbedelkeeda Siyaasiga ah ee Afar jirsaday wax weyn ka bedelay dhibaatooyinkii Garsoorka bulshadu kala kulmi jirtay, hase ahaatee dhacdadani waa mid sawir wanaagsan ka bixinaysa cabashooyinka taagan heerka ay gaadhsiisanyihiin.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com