(GNA) Shirkadda Google ayaa soo saartay baabuur is wadaya kaasoo lagu borograamiyay in xadiga xawaarihiisu uu jaro 16km saacadiiba, sida uu sheegay madaxa mashruucaasi.
Sida la sheegay baabuurkaan ayaa loo habeeyay qaab lagu kantarooli karo, hadii ay arin deg deg ah ku timaado. Ciladda ugu wayn ee la hadal hayay ayaa marka uu jiro traffic jam in uusan la qabsan Karin xaaladaasi, balse bahda ku howlan ayaa shaacisay in iyadoonan ciladaasi la bixinin inaanan jidadka lagu soo dayn doonin.
Baabuurka noocaan ah ee is wadaysa ee ay shirkadda Google soo saartay ayaa lagu tijaabiyay jidadka waawayn ee Maraykanka. Waaxda gaadiidka dhulka ee Maraykanka ayaanan wali wax war ka dhihin baabuurkaan cusub ee la ikhtiraacay iyo sida ay u waafaqi doonaan shuruucda gaadiid iyo traafik ee dalka Maraykanka.
Dowladda Ingiriiska ayaa ogolaatay in baabuurta iswadaysa lagu sii daayo jidadka waawayn horaanta sanadda nagu soo fool leh ee 2015
Google ayaa baabuurka caynkaan ah hindistay sanaddii 2010, waxaa uuna ilaa wakhtigaasi ku jiray tijaabo iyo wax ka badalo badan iyadoo lagu tusmo qaadanayay kuwo caadiga ah.
Baabuurkaan ayaa tijaabadiisii ugu ku safray jidadka waawayn ee California in ka badan 300,000 oo mile.
Shariikadaha kale ee teknolojiyadda Maraykanka ayaa bilaabi doono soo saarista baabuur is wadayso
Baabuurta noocaan ah hadii dunida la qabsato adeegsigiisa ayaa waxaa uu noqonayaa mid fududeeya howla badan isku xiran, halka aad baabuurkaaga u adeegsan karto inuu kuu soo qaado ama aad u dirsato waxaad rabto halka adigana aad shaqadaadii kale aad wadanaysid.
Xigasho: BBC