Pages

Saturday, August 16, 2014

Nickolas Kay: waan tegayaa Hargeysa iyo Garoowe.dhegeyso


Dhegeyso: Nickolas kay oo intaanu Hargeysa booqan Dhexdhexaadinaya Puntland iyo DF, Muxuuse ka yidhi "Xaaladda Soomaaliya ee xilligan iyo Xidhiidhka Somaliland ee UN waraysi oo xog badan xambaarsan"




[caption id="attachment_69447" align="alignleft" width="300"]Nickolas kay oo Garoowe jooga 2013 Nickolas kay oo Garoowe jooga 2013[/caption]Washington(GNA)-Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambasador Nickolas Kay ayaa booqasho ku tegay doona Magaalada Garoowe todobaadkan, hor intaanu isla todobaadkan gaadhin Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.




Kay ayaa Garoowe u tegay dhexdhexaadinta Maamulka Puntland iyo Dawladda Federaalka ah oo khilaaf soo dhex galay todobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii uu hogaanka Garoowe ka biyo diiday heshiiska saddex geesoodka ah ee Maamul u samaynta Gobolada dhexe ee Somaliya.




Waraysi dheer oo uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayuu kay sidoo kale kaga warbixiyay xaalada Soomaaliya ee xilligan, doorashooyinka soo socda, Ammaanka, Abaaraha iyo arrimo kale oo badan.




Halkan ka dhegeyso qaybta 1aad waraysiga:




Kay ayaa qaybta labaad ee Waraysiga kaga hadlaya dib u soo noolaynta xidhiidhka Puntland iyo Dawladda Federaalka iyo booqashadiisa Somaliland.




 “Puntland wax saameyn ah kuma yeelanayo heshiiska Maamul u samaynta Gobollada dhexe ee Soomaaliya “ayuu ku yiri waraysigan oo uu la yeeshay Wariye Haaruun Macruuf.




“Waxaan ku kalsoonahay Martiqaadka Saaxiibtinimo ee aan ka helay Saaxiibkay Maxamed biixi Yoonis Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland. Waanan tegayaa Hargeysa”ayuu kaga jawaabay su’aal laga waydiiyay sida ay isugu fahmi karaan xukuumada Siilaanyo Xafiiska Siyaasadda Q.M ee ismaandhaafka ka dhex dhaliyay isaga iyo Somaliland.




Halkan ka dhegeyso Qaybta labaad Waraysiga:




Kay ayaa lagu wadaa inuu 19 ilaa 20 Bisha August booqashadiisii labaad ee Somaliland ku tego Hargeysa, halkaasoo badhtamihii sanadkii hore mar uu tegay waji gabax iyo niyad jab kala soo laabtay.