Pages

Saturday, August 16, 2014

Muqayiliintii Ingiriisku Jaadka ka joojiyay oo Hargeysa lagu kashifay


Qurbo-jooga Somaliland u soo xagaa baxay oo sanadkan ka badan sidii hore iyo sababta keentay




Qaar ka mida dalalka Yurub ee wali qaadku Koontarabaanka ku galo ayaa Killooga laga siiyaa $400




Warbixi. by: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale GNA




 [caption id="attachment_93147" align="alignleft" width="300"]Somali ka cadhaysan jaad la'anta Ingiriiska Somali ka cadhaysan jaad la'anta Ingiriiska[/caption]Hargeysa(GNA)-Tirada Qurbo-joogta dalka ku soo noqday ayaa sanadkan ka badan sanadihii hore, sida waxa xaqiijiyay Sarkaal ka hawl-gala Madaarada  dadku ka soo degaan ee Somaliland.




Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay Munaasibad casho sharaf u sameysay qurbo-joogta dalka ku sugan, taasoo lagu qabtay hudheel weyn oo ku yaalla Magaalada Hargeysa.




Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa  ka dhawaajiyay inay indhihiisu arkeen tirada qurbo-joogii ugu badnaa abid ee dalka yimaada, waxaanu tilmaamay inay taasi farxad weyn u tahay dalka iyo dadka oo dhaqaale badan la yaadaan Dadka dibadaha ka yimi.




Muuse Biixi ayaa kula kaftamay Qurbo-joogtii Xaflada ku sugnayd oo aad u tiro badnaa “Sanadka waxa la yidhi waxa yimi Raggii oo qudha oo dumar badani lama socdaan, dabaddeed waxa lays weydiiyay waxa keenay raggii ee Dumarka reebay, arrintu waxay noqotay dee Raggii wuu soo qaxay oo bahalkii Qaadka la odhan jiray markii laga joojiyay halkanay u soo doonteen”ayuu yidhi.[caption id="attachment_93146" align="alignleft" width="281"]Muuse Biixi oo kula kaftay Qurbaawiyiinta Madal Muuse Biixi oo kula kaftay Qurbaawiyiinta Madal[/caption]




Hoolka ugu weyn Hudheelka Guuleed  ee Magaalada Hargeysa ayaa qaadi waayay Dadkii la soo marti qaaday, kuwaasoo gaadhayey kun qof “Dadka caawa xaflada ka qayb galay waxa ka mid ah kuwo aan hore dalka u iman jirin”sidaasi waxa xaflada ka sheegay Afhayeenka Madaxtooyada oo xidhiidhinayay.




Cabdiraxmaan Nin la yidhaahdo oo deggen Magaalada Liverpool  ee caasimada labaad ee dalka Ingiriiska ayaa Gobanimonews u sheegay inuu asxaab badan ku lahaa Marshaf ku yaalla magaaladda ay degenaayeen.




“haa qurbo joogu sanadkan sidii hore way ka badanyihiin”ayuu u xaqiijiyay Wariyeyaasha Gobanimo.




Qaadka ayaa inta badan laga madnuucay dalalka Yurub ee Soomaalidu ku badanyihiin iyo Maraykanka, iyadoo uu  ciqaab adag la kulmayo qofka lagu qabto isagoo iibinaya.




“killooga waa qaali ilaa 400 dollar, qaybta yar ee miiroga leeg baa la siiyaa hada 60 dollar”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Ibraahim nin la yidhaahdo oo degen dalka Finland kaasoo sheegay in dalalka Ethiopia iyo Somalia laga keeno, iyadoo si kontara baan ah lagu keeno Yurub.




Ibraahim ayaa sheegay in asxaab badan oo uu ku lahaa waddanka UK sanadkan Somaliland u soo xagaa baxeen “Wey badan yihiin walaahi, qaar badana wey joogaan wali qaarna wey yimaadeen”ayuu yidhi.




Qaadka ayaa la aaminsanyahay inuu daroogo yahay caafimaad ahaan iyo Dhaqan ahaanba, diinta Islaamkana culimadu way isku khilaafsanyihiin inuu xaaraan yahay iyo in kale, laakiinse muran kama joogo inuu yahay nooc ka mid ah Maandooriyeyaasha bino aadamku quuto.




 Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com