Saturday, August 16, 2014

Nabad-sugida dawladda oo xiray laba Idaacaddood


[caption id="attachment_93143" align="alignleft" width="300"]Xafiisyada Idaacada Shabeelle oo askarti gashay Xafiisyada Idaacada Shabeelle oo askarti gashay[/caption]Muqdisho(GNA)-Ciidanka Nabad-sugida dawladda Soomaaliya ayaa maanta albaabada u laabay laba Iddeecaddood oo ka hawl-geli jiray Muqdisho kuwaa oo kala ah Radio Sky iyo Shabeelle, kaddib markii ay ku eeddeeyeen inay faafiyeen warar iska horkeen iyo tashuush ku abuuraya Bulshada.




Laakiinse Afhayeen u hadlay labadan Idaacadood ee la xidhay ayaa beeniyay eeddaha loo jeediyay ee lagu sababeeyey xarigooda.




Maxamed Bashiir Xaashi oo ah Madax Wararka Idaacada Shabeelle ayaa sheegay in handidaad iyo jir-dil loo geystay Masuuliyiinta iyo wariyeyaasha ku sugnaa xarumaha labada warbaahinood ee la xidhay oo hal dhisme  ku wada jiray.




“12 Gaadhi oo ciidan ah oo  aad u hubaysan ah ayaa maanta abaaro tobankii iyo dheeraad xoog ku galay, waxay si sharci daro ah u baadheen xafiisyada, waxay jir-dil iyo handidaad u geysteen hawl-wadeenadii ku sugnaa xafiisyada, waxay dhaawacyo gaadhsiiyeen masuuliyiinta idaacadaha qaarkood”ayuu yiri.




Dhinaca kale afhayeenka Wasaarada Amniga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay “Waxay faafiyeen warar borobogaande ah oo bulshada iska horkeenaya iyo warar ammaanka ka dhan ah.




Markaa dawladda waxay si ku-meel gaar ah u xayirtay labadaa Ideecaddood”ayey yiraahdeen nabad-sugida Soomaaliya.




Xariga labadan Idaacaddood ayaa ku soo aaday xilli ay Magaalada Muqdisho maanta ka dhacayeen dagaallo u dhexeeya Ciidanka Dawladda iyo Maleeshiyaad hubaysan oo ka amar qaata masuuliyiin hore iyo qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com