Monday, August 11, 2014

Muuse Biixi: Dawlad ku meel-gaadh ah Dastuurku ma ogola”Warbixin


Guddoomiyaha Kulmiye oo ka jawaabay Digniinta Xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha toosinta qaranka ee doorashooyinka iyo duruufaha ku xeeran dalabka  labada dhinac..Warbixin S.Kalshaale




[caption id="attachment_87150" align="alignleft" width="300"]Muuse iyo Siilaanyo oo wax isku og Muuse iyo Siilaanyo oo wax isku og[/caption]Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka Somaliland ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay doorashooyinka dalku wakhtigoodii dhacayaan, lana diyaariyay dhamaan heshiisyadii lagu qaban lahaa oo ay asxaabta siyaasadda,qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Madaxweynuhu wada saxeexeen.




Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabayay Eeddeymo ay shalay soo jeediyeen Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madashada wada-tashiga Somaliland oo ku saabsanaa dib u dhac ka muuqda doorashooyinka dalka, ayaa carrabka ku adkeeyay inay Mucaaridka ka siman yihiin in doorashada wakhtigeeda lagu qabto.




“Xisbiyada Mucaaridka ah waan ka simanahay inaan doorashadu dib u dhicin” ayuu yidhi Muuse Biixi oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa.




Biixi ayaa sheegay in dhamaan heshiisyadii ku saabsanaa qabashada doorashada Madaxweynuhu saxeexay “anigaa Madaxweynaha ka soo saxeexay markii aanu heshiiska galnay labada Xisbi  Mucaarid iyo qaadhaan bixiyayaasha, madaxweynuhuna wuu saxeexay, tiibaana lagu shaqaynayaa”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka jawaabayey dhawaaqa Mucaaridka ee  odhanaya, “waa in Dawlad ku-meel gaadh ah la sameeyaa hadii doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacdo”, ayaa sheegay in taasi dastuurka iyo qawaaniinta dalka baal marsantahay.




Waxa uu yidhi “Dalku Dastuurbuu leeyahay. dastuurku maaha mid Xisbiyada Mucaaridka ah waxay doonaanbaa la samaynayaa odhanaya ee Madaxweyneha dalka waxa bedeli kara Madaxweyne la soo doortay oo qudha”.




“markaa hadii doorasho dhici waydo waxa hawsha la wareegaya oo go’aanka iska leh Golaha Guurtida, Madaxweynuhuna waa madaxweyne dimuquraadi ah oo shacbigu soo doortay. Rabitaanka shacbiga ayuu ku fadhiyaa kursiga”ayuu sii yidhi Muuse.




Muuse ayaa hadalkan jeediyay saddex maalmood uun kaddib markii uu si rasmiya loogu dhawaaqay in Xukuumadda iyo garabka Xisbigiisa ee Khilaafku ka dhexeeyay bilihii la soo dhaafay ay heshiiyeen.




“waxaan balan qaadayaa anigoo ku hadlaya afka Golaha Wasiirrada inaanu hogaanka Xisbiga la shaqeyn doono oo aan u daba fadhiisan doono wixii hawlaha xisbiga ah guddoomiyaha iyo hogaanka kale, xisbigana waxa looga baahanyahay inuu u shaqeeyo sidii xisbu xaakimka oo uu dhaliilaha Mucaaridka Xukuumadda ka difaaco”sidaasi waxa ku dardaarmay Sabtidii Wasiirka Maaliyadda Sheikh Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ah xubin firinfircoon oo Loolamayaasha Siyaasada ku jira.




Samaale ayaa hadalka ka jeediyay munaasibada lagaga dhawaaqay Heshiiska Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo ee Khilaafka Kulmiye.




Xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha toosinta




Hogaamiyeyaasha labada Xisbi Mucaarid iyo Kooxda la baxday Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka  ayaa Axadii shalay ku dhawaaqay heshiis is-afgarad oo nuxurkiisu ahaa in siyaasadda dalka la badbaadiyo, isla markaana hadii Doorashada madaxtooyadu qabsoomi waydo dawlad ku-meel-gaadh ah la dhiso.




Heshiiskan ayaa xukuumadda ku ahaa dhimbiil dab ah oo madaxa loo saaray, taasoo hadii ay fuli waydo khilaaf siyaasaddeed dariiqa u sii xaadhaysa, kuna kagan sharciyadda waddanka.




“hadii marka wakhtigu ka dhamaado ay doorasho qaban waydo xukuumaddu, wax muddo kordhin ah la samaynayaa ma jirayso ee waa in dalka la badbaadiyaa.




sidaa xisbiyadu ku heshiiyeen waa in dad dalka doorasho ku sima lagu wareejiyaa xukunka”sidaasi waxa Shir jaraa’id Maalintii axadda ku sheegay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi  Cilmi oo ka mid ah Madasha wada tashiga iyo toosinta Qaranka.




Caqabadaha Doorashooyinka horyaala




Wali calaamatu su’aal ayaa saaran in Bisha December ee sanadka 2015, doorashooyin madaxtinimo iyo kuwo Baarlamaan ka qabsoomaan Somaliland, sababtuna waxay tahay qabyada badan ee ka muuqata arrimaha farsamo ee fududeynaya doorashada.




Doorashada ka hor waa in dalka laga hirgeliyaa labada Diwaan-gelinood oo midkood shardi u tahay Doorasho ka sokaysa tii Goleyaasha Deehaanka ee laba Sano ka hor.




Diwaan-gelinta: bixinta Jinsiyadaha Dhalashada ee muwaadiniinta Somaliland oo bilaha soo socda la filayo in la sameeyo, ayaa ka horaynaysa diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, kuwaasoo aan la ogayn wakhtiga ay qaadan doonaan iyo sida ay ansaxa ku noqonayaan toona.




Sidoo kale, muddo dhaafka doorashada Baarlamanka oo hadii bisha October laga gaadho sanadkii tobanaad u buuxsamayo Golaha Xeer-dejinta (Wakiillada), ayaa iyaduna caqabad weyn oo hortaala doorashada madaxweynaha oo ku buuxda wakhtiga Mucaaridku dalbanayaan in isbedel lagu sameeyo.




Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in Somaliland fooda la gelayso dhamaadka sanadkan caqabaddo siyaasaddeed oo dhinaca doorashooyinka ah, kuwaasoo xukuumadda talada haysaa looga fadhiyo inay maarayso si aanay u horseedin qul-qulatooyin iyo isqabqabsi halis ku keena degenaanshiyaha Dalka.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com