Xildhibaan Maxamuud Sheikh Cumar ayaa u taagan Guddoomiyaha Baarlamanka Khaatumo..
[caption id="attachment_92755" align="alignleft" width="300"]
Guddida Doorashooyin[/caption]Saax-dheer(GNA)-Siyaasiga Reer Buuhoodle ee Maxamuud Sheikh Cumar Xasan ayaa ka mid ah tiro Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Khaatumo oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka la baxay Khaatumo.
Doorashada Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa ka socota Maanta oo Isniin ah Magaalada Saax-dheer oo hada xarun maamul u ah Khaatumo, waxaana halkaasi ku sugan Isimo, Siyaasiyiin, waxgarad, hogaanka sare ee Khaatumo iyo Ergooyin kala kala yimi deegaamada SSC oo ka qayb qaadanaya doorashada.
Doorashada Baarlamanka Khaatumo ayaa qabsoontay Maalintii Sabtida ee la soo dhaafay, waxaana lagu doortay in ka badan 30 Xubnood oo Baarlaman ah.
Kaddib doorashada Baarlamanka marka ay hawsheedu dhamaato, waxa qorshuhu yahay inay Xubnaha Baarlamanku doortaan Madaxweyne cusub oo Khaatumo yeelato, kaasoo bedeli doona Madaxweynihii hore ee maamulkaas.
Deegaan colaadi ka jirto
Deegaanka Saax-dheer ayaa waxa dhowr jeer ka dhacay dagaal, kaasoo u dhexeeyay Somaliland iyo Maleeshiyaadka Khaatumo.
Dagaalkaas ayaa salka ku hayay arrimo maamulka dhulka ah oo labada dhinac kala riixanayaan.
Hase ahaatee xaalada deegaanka ayaa ahayd muddooyinkan dambe mid degen.
Gobanimonews
Laascaanood Office
Email: editor@gobanimonews.com