Saturday, August 16, 2014

Marca: Real Madrid Waxay Haysataa Kooxdii Ugu Fiicnayd Taariikhda


Sida ay qortay jariidadda, idaacadda iyo website-ka isku qoofalan ee Marca, khubarada kubadda cagta ayaa isku waafaqay in kooxda wakhtigan ee Real Madrid ay midaysan yihiin, loola habbeeyey qaab isku duuban, isku niyadsan oo ujeeddo kaliya leh, waxaanay khubaradu aaminsan yihiin in ciyaartooyadu ay yihiin mid ka mid ah kooxihii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda Real Madrid.




Marca, waxa ay sheegtay in ay jiraan sababo badan oo keenaya aaminaadda noocan ah ee odhanaysa waxay awoodaan in ay wax walba ku guulaystaan. Arrinta koowaad ayaa ah Ancelotti waxa uu ku galay garoonka ciyaartii UEFA Super Cup, ciyaartooyo qiimaha ay kooxda ku joogaan uu yahay €440 million.




James-640x360




Arrinta labaad, ayaa waxa la sheegay in ay kooxdani tahay mid ka qiimo badan tii sannadkii 2002 ee lagu naanaysi jiray Glacticos, markaas oo ay joogeen ugu yaraan saddex ciyaartoy oo ku guulaystay abaalmarinta FIFA Ballon d’Or.




 




Arrinta saddexaad ee ay Marca sheegtay ayaa waxay tahay in Ancelotti uu haysto koox isku dheli tiran, taas oo dhinac walba uu haysto ciyaartooyadii uu uga baahnaa oo khibrad fiican leh, laga bilaabo gool-hayaha cusub ee Keylor illaa Isco oo beddel suge ah. Waxa ciyaartooyadaa ugu horreeya, Koos oo si mucjiso leh u qabsaday khadka dhexe ee kooxda kulankiisii koowaad, iyadoo ay waliba layaabka ugu weyni ahaa in uu qaab-ciyaareedkiisu indho-sarcaad ku noqday dadka isagoo aan garanaynin hal kalmad ah oo afka Spanish-ka ah oo uu kula hadlo ciyaartooyada, waxaanay taasi muujisay in aanu ciyaartooyada intooda badan laba sheekaysan jirin muddadii koobnayd ee uu tababarka la samaynayay. Toni Kroos waxa uu noqday xoog kooxda ka dirawalinaya khadka dhexe, taas oo u muuqata in aanay dhexda kooxdu sidaas oo kale bandhig ciyaareed u samaynin tobankii sannadood ee u dambeeyey.




 




Waxa intaa dheer, kooxdu waxay haysataa difaac adag oo ay hoggaaminayaan Pepe iyo Ramos. Waxay si fiican isula qabsadeen xili-ciyaareedkii hore oo ay ahaayeen rukun adag oo aanay dhaafi karin ciyaartooyada ka soo horjeedaa, waxayna mar kale muujiyeen isku-xidhnaanshahooda iyo si duuban u difaacidda goolkooda, kulankii Cardiff ka dhacay ee ay kaga badiyeen Sevilla, kuna hanteen UEFA Super Cup. Marka lagu daro Coentrao oo ah madaale difaac ah iyo Carvajal oo xattaa weerarka saacida, waxay kooxda ka dhigeen mid si caafimaad qabta u dheellitiran.




 




Real Madrid hadda ma qorshaynayso in ay ciyaartooyo cusub soo iibsado, waxaana sida uu Ancelotti hore u sheegay uu buuxiyey dhamaan meelihii ay dhalliiluhu ka jireen, laakiinse haddii ay wajiyo cusub yimaaddaan naadiga, waxa ay taasi usii noqon doontaa uun xoog cusub oo sii dhaqaajiya mishiinka kubadda cagta ee kooxda.