Pages

Thursday, August 14, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo qurba-jooga dalka ku sugan caawa casuumay


[caption id="attachment_93027" align="alignleft" width="300"]Kulankii 2aad ee labada dhinac Kulankii 2aad ee labada dhinac[/caption]Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland ayaa markii afaraad ee muddo xileedkiisa casumaad u fidiyay qurbo-jooga dalkiisa ee dibadaha ka soo laabtay, taasoo uu sanad kasta u sameeyo intii xilka hayay.




Munaasibada Casuumadda ayaa ka socota Hudheelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, iyadoo ay kala qayb gelayaa Masuuliyiinta xukuumadda iyo inta badan dibad-jooga dalka ee xilligan xagaaga waddanka soo booqday.




Munaasibadda lagu casuumo qurbo-jooga ayaa waxa si wada jir ah u abaabula Madaxtooyada iyo Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadda ee xukuumadda oo hoos yimaada Wasaaradda Khaarajiga.




Waxaana xaflada Sanadkii hore  lagu Hudheelka Maansoor, iyadoo laysku waydaarsaday aragtiyo ku aadan sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen horumarinta dalka qurbo-joogu.




Qurbo-jooga ayaa kaalin muuqata ku leh dhaqaalaha dalka, isla markaana Lacago badan dibada uga soo dira eheladooda, ka sekow hantida kale ee ay dalka soo geliyaan, taasoo ay guryo ku dhistaan ama shirkaddo wax soosaar ku maal-gashadaan.




Laakiinse arrimahaasi oo dhan waxa ka muhiimsan Miisaanka culus  ee ay ku leeyihiin Xukuumadda talada haysa oo ah mid aad uga duwan xukuumadihii hore oo dhan.




Boqolkiiba lixdan ka mid Masuuliyiinta Xukuumadda Siilaanyo ayaa ah dad qurbaha ka yimi oo xilal loogu magacaabay Taageeradii Xisbiga Kulmiye ka helay xilligii uu mucaaridka ahaa, markaasoo ay Hiil iyo hooba la soo garab galeen qurba-joogu xisbiga.




Taageeradaas ayaa qayb ka ahayd guushii Xisbigu ku hantay madaxtinimada waddanka, walina aanay wali ka faaruqin dadkii soo badhi taaray, isla markaana wax kasta oo xukuumaddu u bandhigto ay fuliyaan.




Inkasta oo aad moodo inay sanadkan u dambeeyay yara kala furfurmeen qaar badan oo ka mida qurbo-joogii Kulmiye taageeri jiray , hadana  sii socoshada casuumadaha madaxtooyadu u fidinayso marka ay dalka yimaadaan waxay ka turjumaysaa sida uu hogaamiyaha dalku ugu dhegsanyahay Taageerayaashiisii dibada ka soo caawin jiray xilligii uu Mucaaridka ahaa.




La soco warka oo dhamaystiran goor dhow..