Pages

Friday, August 15, 2014

Doorashada Galaydh ee Khaatumo: Mushkillad ka soo guurtay Cayn oo Sool degtay


Somaliland oo u qajishay Kursiga Galaydh Fuulay  iyo Puntland oo dareen debecsan ku soo dhaweysay...




Reer Buuhoodle ma ka reysan doonaan hagar daamadii Hayaanka  colaada u soo hooyay...Warbixin GNA




[caption id="attachment_93031" align="alignleft" width="300"]galaydhGalaydh oo loo doortay Madaxweynaha Khaatumo[/caption] Saaxdheer(GNA)-Hadal hayn maalmihii ugu dambeeyay ka dhex guuxayey Taageerayaasha Maamulka la baxay Khaatumo, ayaa rumoobay, kaddib markii Maanta Baarlamanka dhawaan la doortay ee Maamulkaasi cod aqlabiyada ugu doorteen Madaxweyne Dr. Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh  oo ah siyaasi caan ah.




21 Xildhibaan ayaa u coddeeyay wareegii koowaad ee Doorashada oo uu kula tartamayay hogaamiyihii hore ee Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indhosheel oo ahaa Ninkii saddexaad ee siyaasada maamulka hogaamiya.




Indho-sheel ayaa lagaga guulaystay 9 Cod iyo 21 cod, waxaanay ahayd doorasho qarsoodi ah oo toos uga socotay Shaashadaha Telefishanada Soomaalida.




Wakhti kooban kaddib markii la doortay isaga iyo ku-xigeenkiisa oo la yidhado Cabdul Cagalule, ayaa waxa Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ka dhacay dibad-baxyo lagu taageerayo.




Mid ka mid ah banana-baxyada lagu soo dhaweynayo oo ka dhacay Laascaanood ayaa sababay isku dhac ka dhex abuurmay Ciidamada Somaliland iyo Taageerayaasha Galaydh iyo Cago-lule, inkasta oo aan wax khasaare ahi dhicin.




Galaydh ayaa afartii sannadood ee ugu dambeeyay Hogaamiye ruuxi ah u ahaa Khaatumo, waxaanu hormuud ka ahaa shirkii lagu dhisay Maamulkiisa ee Taleex ka dhacay ilaa kuwii lagu aasaasay ee dalalka dibada ka dhacay.




Waxa uu ka mid ahaa kooxdii G6 ee uu ka mid ahaa Cali Ciise Cabdi, kuwaasoo musdambeedka ugu jiray Khaatumo, halka xulafadiisa kale uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Cali.




Waxaase sanadkii 2013 uu lumiyay Hogaamiyihii hore ee SSC Saleban Ciis Axmed (Xaglo-toosiye) oo ay ku  Inqilaabeen isaga iyo Kooxdiisu Shirkii Taleex, kaasoo hada xil wasiirnimo oo culus ka haya Somaliland, isla markaana xilfatan siyaasaddeed kala dhexeeyo.




Waa siyaasi reer Sool ah, isla markaana xilal reysal-wasaare iyo xildhibaano ka soo qabtay dawladihii KM ahaa ee Soomaaliya, waxaanay dadka badankiisu isweydiinayaan sababta ku soo celisay inuu hogaamiye ka noqdo Maamul aan wali saldhig lahayn oo garab-rarato ah.




Mabda’ ahaan waa siyaasi mar hore aaminsanaa Somaliland, balse  labaatankii sanaddood ee ugu dambeeyay ka soo horjeeday,




Somaliland




Xukuumadda Somaliland oo jawaab ka bixisay Aragtideeda ku aaddan Doorashada Maanta Xildhibaan Cali Khaliif uu ku Noqday Madaxweynaha Khaatumo, ayaa ku doodday inay ka xunyihiin fashilka siyaasaddeed ee ku yimi Galaydh.




 




Wasiiru-dawlaha Nabadaynta Deegaanada Bariga Somaliland Cali Maxamuud Xasan (Sadulle), ayaa sheegay inaanay Somaliland waxba u noqonaynin Sheegashada Cali Khaliif ee Madaxweynenimada Cali Khaliif.




Cali Sandule oo u warramay Idaacadda BBC-da, ayaa tilmaamay inaanay doorashada cali khaliif salka ku Haynin rabitaanka Shacabka, “marka hore aad iyo aad baanu uga xumahay inuu cali khaliif yidhhaahdo tuulo yar baan ka talinayaa wax saamayn ah oo ay Somaliland ku ledahayna ma jirto. Waxana aan ka xumahay inuu ninkaasi hoos u dhacay.” Ayuu yidhi Cali Sandulle.




Sandulle oo la waydiiyey in deegaankaasi noqon karo maamul Goboleed, ayaa yidhi “dawlad goboleed ma noqon karaan cali khaliif-na ma leh, umad badan baana degta waana meel Somaliland ah,meeshaa dadka ku shiray boqolikiiba shan kama aha reerka dhulbahante la yidhaadho,” Cali Sandule




Waxa uu sheegay cali Sandulle inay soo dhaweynayaan Cabashooyinka Jira, balse aanay wax wada Hadal ah la geli doonin Cali Khaliif, waxana uu yihdi, “Markasta waa soo dhaweynaynaa cid kasta oo wax tabanaynsa horena gogashu waa fidsanayd, tuulada saaxdheerna ma noqonayso maamul iyo maamul Goboleed midna dadkuna waa Somaliland,.geedka uu odaygaasi saaka boqolka qof ku ururiyey ma metelaan dadka deegaanka” .




Puntland ayaa iyadu soo dhaweysay doorashada Galaydh, kuna tilmaantay arrin dadka deegaanku xaq u leeyihiin  inay maamul samaystaan.




Si kastaba ha ahaatee murtida ugu balaadhan ee ku jirta doorashada siyaasigan daalay ayaa ah laba arrimood oo kala ah:




1: Hogaamiyihii hore ee Khaatumo wuxuu ahaa Siyaasi reer hawd ah, sidaasi darteed qorshahan cusubi waa siyaasad miisaankii Khaatumo loogu soo wareejinayo Sool , Sanaag iyo Nugaal.




 halka ay markii hore Gobolka  Buuhoodle ku sugnaayeen, iyadoo taasna looga gol-leeyahay inay difaacaan isla markaana xasarad ka abuuraan Deegaamada Somaliland doonayso inay sahaminta Shidaalka ka samayso.




Waxaana ka soo wareegista Buuhoodle ee Khaatumo  sabab u ah Dadka Deegaanka kala raacay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo labaddooduba ka soo jeeda halkaas.




2-Arrinta labaad ee wehelisa  in Galaydh noqdo Madaxweynaha khaatumo, ayaa waxa lagu tilmaamayaa mid uu dibada ugu soo saarayo hadafkii siyaasaddeed ee loo aasaasay, isagoo doonaya inuu kula loolamo hogaamiyeyaasha Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland oo uu mid walba dan ka leeyahay.???????????????????????????????




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com