Sunday, August 3, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya oo Taageero siyaasaddeed waydiistay Dhalinyarada + Sawiro


[caption id="attachment_92225" align="alignleft" width="300"]Wasiirka Ciyaaraha iyo Madaxweynaha Wasiirka Ciyaaraha iyo Madaxweynaha[/caption]Muqdisho,02, Agoosto-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in ay Dowladdiisu mudnaan weyn siineyso dhallinyarada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin cudud aan looga maarmin nabadeynta, dib u dhiska iyo horumarinta dalka.




   [caption id="attachment_92228" align="alignleft" width="300"]jawigi dhalinyrada jawigi dhalinyrada[/caption] [caption id="attachment_92229" align="alignleft" width="300"]dhalinyarada maxau ka codsadeen dhalinyarada maxau ka codsadeen[/caption]




Madaxweynuhu wuxuu sheegay in fursadaha dhallinyaradu ay yihiin kuwo aan xad lahayn, wuxuuna aad ugu dhiirri geliyay in ay is abaabusho oo ay ku midowdo hal hoggaan oo xaqiijiya xuquuqdooda isla markaana ku haga gudashada waajibaadka ka saaran dalka.




Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dowladdu dooneyso in ay dhallinyarada kala shaqeyso dhinacyada siyaasadda, sugidda amniga, horumarinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaad iyo kobcinta dhaqaalaha.[caption id="attachment_92227" align="alignleft" width="300"]madaxweyne xasan sheikh oo la hadlaya madaxweyne xasan sheikh oo la hadlaya[/caption]




Madaxweynaha oo maanta Xarunta Madaxtooyada kulan quraac ah kula qaatay dhallinyaro ay ka mid yihiin kuwa shaqeeya, qaar waxbarta, Madaxda ururro dhallinyaro iyo qaar ka soo laabtay dalka dibaddiisu,waxaa uu marka hore dhegeystay erayo isugu jiray codsi, su’aalo iyo talooyin ay soo jeediyeen dhallinyaradu.




Madaxcweynuhu waa uu ka jawaabay su’aalaha isaga oo isla markaana sheegay in talooyinka iyo codsigaba la tix gelin doono. Wuxuuna ballan qaaday  in kulammada noocan ahi ay hadda ka dib sii socon doonaan.




Wasiirka Sportiga, Dr. Khalid Maxamed Cali, oo isaguna kulankaas khudbad ka jeediyay waxaa uu soo bandhigay waxqabadka Wasaaradda iyo in ay diyaarisay xarun ay dhallinyaradu ku shiri karaan ra’yigoodana ay ku kala qaadan karaan.[caption id="attachment_92226" align="alignleft" width="300"]siduu ahaa dareenkiisu siduu ahaa dareenkiisu[/caption]




Source: Villa Somali Media Office