
Laascaanood(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa qalabkii shaqada kala wareegtay qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka hawl-gala Magaalada Laascaanood ee u shaqeeya Telefishanada Soomalida.
Qaar ka mid ah Warfidiyeenada ka hawl-gala Magaalada Laascaanood ayaa Gobanimonews u sheegay inay qalabkoodii loo soo qaaday Magaalada Hargeysa.
Wariyeyaasha ayaa arrintan walaac xooggan ka muujiyay, iyagoo ku tilmaamay xad-gudub aan looga baran nidaamka dawliga ah oo uguba.
Qaar ka mida Suxufiyiinta ayaa ka walaacsan in dib loogu soo celin waayo qalabkooda, islamarkaana sidaas lagaga haysto.
Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii khamiistii Mudaharaad ka dhacay Magaalada Laascaanood, taasoo loo sibir-saarayo sababta qalabka loogala wareegay wariyeyaasha inay tahay Muuqaaladii ay ka duubeen Dibax-baxayaasha taageersan Madaxweynaha cusub ee Khaatumo ee sida badheedhka ah Laascaanood ugu dabaal-degay.
Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Ururrada Saxaafadda ee heer Gobol iyo Ururka Solja oo arrinta la xidhiidha.
Sidoo kale wax tafaasiil ah kamay bixin Maamulka dawladdu talaabadan shaqo joojinta loogu sameeyay Wariyeyaasha ka hawl-gala Gobolkan Xaasaasiga ah.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com