Saturday, August 16, 2014

Isimo iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Sool iyo Cayn oo ku soo qul-qulaya Garoowe


[caption id="attachment_93178" align="alignleft" width="300"]Ugaas Cabdilaahi Ugaas Nuur oo lagu soo dhaweeyay Garoowe Ugaas Cabdilaahi Ugaas Nuur oo lagu soo dhaweeyay Garoowe[/caption]




Garoowe(GNA)-Tiro Madaxdhaqameedyo ka soo jeedda Beelaha Dhul-bahante ee Sool iyo Buuhoodle ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland, taasoo ay soo gaareen sidoo kale siyaasiyiin ka soo goostay Somaliland.




Wafdi horkacayo Ugaas Cabdulaahi Ciise Nuur, ayaa maanta soo gaadhay  caasimada Dowlada Puntland ee Garowe.




Ugaas Cabdulaahi ayaa ka soo kicitimay Degmada Boocame oo uu indhawaaleba ku sugnaa, waxaanu ka mid ahaa Isimadii aad uga soo horjeedey shirka ka dhacay Saxdheer ee Madaxweynaha loogu caleemo saaray Cali Khaliif.




Waxa Ugaaska ku soo dhaweeyay duleedka Magaalada Garoowe  Masuuliyin uu horkacayo Madaxweyne Ku xigeenka  puntland  Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey,wasiiro,xildhibaano,isimo,cul uumo awdiin iyo waxgaraad.




Ugaaska ayaa loo gelbiyay aqalka Madaxtooyada ee Garoowe halkaasoo uu kula kulmay Madaxda ugu saraysa dawladda.




Garaad Saleeban Garaad Maxamed oo ka mid ah Isimada Gobolka Sool ayaa isna dhawaan soo gaadhay Garoowe.




Gobanimonews




Garoowe Office




Emal: editor@gobanimonews.com