Pages

Thursday, August 21, 2014

Jig-jiga: Madaxweyne Illay iyo Labadiisa ku xigeen oo isu hanjabay


[caption id="attachment_93544" align="alignleft" width="300"]MADAXWEYNE CABDI ILAY OO DAGAAL KULA JIRA KU-XIGEENADIISA MADAXWEYNE CABDI ILAY OO DAGAAL KULA JIRA KU-XIGEENADIISA[/caption]Jig-jiga(GNA)-Khilaaf xooggan ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxda ugu saraysa Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.




Madaxweyne Cabdi Cumar Illay ayaa la sheegay inuu labadiisa ku-xigeen ku eeddeeyay inay xoggo sir ah u gudbiyeen Jabhada ONLF, eeddaasoo ay labada ku-xigeenka kaga jawaabeen Eedeymo sharci jabin ah oo ay madaxweynaha u direen.




Arrintan ayaa ka sheegay inay sababtay in Golaha Xukuumadda iyo Xisbiga talada hayaa laba u kala jabaan, iyagoo la kala saftay Madaxweynaha iyo labadiisa ku xigeen.




madaxwene-ku-xigeenada Illay oo kala ah Cabdullahu Yuusuf Weerar iyo Cadifatax Maxamud, ayaa la sheegay in shaqada laga joojiyay, sida uu Madaxweynuhu ku soo saaray wareegto.




Hase ahaatee dooda u dhaxaysa ayaa labadan ayaa sababtay in Guddoomiyaha Xisbiga Xukuumiga ahi soo saaro qoraal ay isugu imanayaan guddida sare ee Xisbiga oo ka tashanaya Aayaha dalka.




Warbaahinta Waaheen oo ka soo baxda Hargeysa ayaa ku warantay in xurgufta saddexda Masuul meel aad u saraysa marayso.




Helida wararka ee gudaha Jig-jiga ayaa aad u adag, hase ahaatee xogo hoose oo ka soo duul-duulaya ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac afka isaga hanjabeen, inkasta oo ay jiraan ergooyin ka shaqaynaya sidii laysugu soo dhawaan lahaa.




Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sanadka laysu diyaarinayaa doorasho madaxtinimo, iyadoo muddo xilkeedku ka sii dhamaanayo hogaanka dalka.




DDSI ayaa intii uu Cabdi Illay hogaaminayay waxa  ka muuqda horumar balaadhan oo dhinacyo badan ka muuqdo.




Gobanimonews




Gabiley Office




Email: editor@gobanimonews.com