Pages

Saturday, August 9, 2014

Hargeysa: Dayaca waddooyinka ka muuqda?Daawo


[caption id="attachment_92587" align="alignleft" width="300"]mid ka mid ah dariiqyada wadnaha hargeysa mid ka mid ah dariiqyada wadnaha hargeysa[/caption]Hargeysa(GNA)-Magaalada Hargaysa Ee Caasimada Somaliland Oo Iyadu Ah Xarunta Looga Arimiyo Dalkani isla Marakaana Lagu Tuhmaayey Horumarka Ay Ku Faanto Xukuumada Somaliland Ayaa Iyadu Ah Ta Ugu Liidata Xaga Wadooyinka.http://www.gobanimonews.com/wp-admin/post-new.php




Inkastoo Ay magaaladani Ay SHicibka Iyo Ganacsatadu Ka Samaysteen Dhismayaal Qurux badan Oo Soo Jiidanaaya Indhaha Bulshada Hadana Dawlada Hoosee Hargaysa May Gudan waajibaadkii Ka Saarnaa Hagaajinta Bilicdaasi Waxaana Ay Ka Gaabiyeen Shaqadoodii Ahayd Inay Ka Qaataan Kaalintooda Horu Marineed Ee Wadooyinka.








Wadooyin Badan Oo Bur bur Laxaad Leh Ka Muqda Sababinakara Shilalka Baabuurta Ayaa Ku Dhex Yaala Magaalada Hargaysa Ayadoona Ay Magaaladani Tahay Halbawlaha Dalka isla Markaana Ay Ku Suganyihiin Madaxdii Dalka Oo Idil.








Lagama Filayn Magaalada Hargaysa Burburka Intaa Leeg Ee DHinaca Wadooyinka Madaama Oo Ay Tahay Halkii Looga Ariminaayey Qarankani Isla Markaana Ay Joogaan Wasaaradihii Ku Shaqada Lahaa Iyo Dawladii Hooseba Waana Nasiib Darro Soo wajahday Haayada Wadooyinka Somaliland Iyo Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Iyagu Ku Faana Isla Markaana Warbaahinta Ka Sheega Inay Wadooyin Tayo Leh Ka Sameeyeen Caasimada Hargaysa.








Isku Soo Wada Duub Oo Haayada Horu Marinta Wadooyinka Somaliland Iyo Dawlada Hoose Ee Hargaysa Ayaa Ku fashilmay Hagaajinta Wadooyinka Isla Markaan Aan Ka War Hayn In Bilicdii Magaaladu Ay U Xanibantahay Wadooyinkaa Bur Bur San Ee Ku DHexyaala Magaaladani.




Shaafici Maxamed Ibraahim




shaaficimaxamed@gmail.com