Pages

Saturday, August 9, 2014

Burco: Xildhibaan beeniyay in taalada Sheikh Bashiir la iibiyay


Xildhibaan Mubaarig Bidhi “Wax Suurto-galaya ma aha In Taalladda Sheekh Bashiir La Iibiyo sidaas ayay ahaanaysaa, waliba waanu  dhisaynaa”shir-jaraa’id




[caption id="attachment_92582" align="alignleft" width="241"]xildhibaan bidhi: Golaha deegaanka burco xildhibaan bidhi: Golaha deegaanka burco[/caption]BURCO (GNA)-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deegaanka Burco ayaa gaashaanka ku dhuftay warar sheegaya  in la iibinayo goob ay ku taalo taalladda Marxuum-Sheekh Bashiir ee  magaaladaasi.




“Waxaan doonayaa inaan idiinka jawaabo arrin soo noqnoqotay oo ah taallada Sheekh Bashiir  oo ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee Gobolka Togdheer ku yaalla,waxaan halkan  idiinka balan-qaadayaa shacbiga reer Burco gudo iyo dibad-ba intii aan dibadda  joogayna aad ayaa su’aalo la iiga weydiin jiray. Markaa meel lagu soo qaaday oo aanu Gole deegaan ahaan ka shirnay oo la yidhi Taalladda Sheekh Bashiir ayaa la iibinayaa ma jiro, qorshahana kuma jirto,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo u warramayay warbaahintu.




 Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Wax Suurto-galaya ma aha, Taalladda Sheekh Bashiir sidaas ay tahay ayay  ahaanaysaa. Waliba waxaan dadweynaha u balan-qaadaynaa inaanu dhisi doono.”




Xildhibaan Mubaarig waxa uu qurbo-jooga reer Togdheer ugu  baaqay inay yimaadaan magaaladda Burco oo dhistaan isla markaana maal-gashadaan. Waxaanu tilmaamay in uu shakhsi ahaan Iyo Gole ahaan-ba ay dedaal u galeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacbiga Burco ee soo doortay. “Wax badan waanu qabanay, waxna way innaga xumaan karaan, wixii innaga xumaadayna waanu hagaajinaynaa,”ayuu yidhi Xildhibaanku.




 Md. Mubaarig Bidhi waxa uu ka mid yahay Xildhibaanadda qurbo-jooga ah, waxaanu degan yahay dalka Ingiriiska, waxaanu inta badan qalab  iyo agab kala duwan ku caawiyaa oo uu qurbaha ka soo ururiyay xarumaha dugsiyadda, cisbitaaladda iyo goobaha adeegyadda bulshadda fuliya, waxaana lagu  tilmaamaa inuu ka mid yahay xildhibaanadda ugu firfircoon uguna dedaalka badan  Golaha deegaanka Burco.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com