Gobanimonews oo heshay Xoggo sheegaya in dhalinyaro Somaliland ka tegay Kooxda Daacish, xilli kuwo kale oo soomaali hore loo soo bandhigay.
Muxuuse Faysal ka yidhi Wiilkiisa ISIS, kana yeeli doonnaa? Warbixin
[caption id="attachment_91371" align="alignleft" width="300"]
Guddoomiyaha ucid[/caption]Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa xaqiijiyay in Wiil uu dhalay ku biiray Kooxda ka dagaalamaysa Dalalka Ciraaq iyo Syria ee ISIS.
Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe, ayaa ka soo muuqday maalinkii shalay Muuqaal laga duubay Kooxda ISIS oo ka qayb qaadanaya Dagaalka ka socda Dhulka Shaab ee Ciraaq iyo Syria, waxaanu la baxay magac kale oo aan kiisii ahayn oo lagu sheegay Abu-shucayb al-soomaali.
Wiilkan ayaa la sheegay inuu sanadkan gudihiisa u socdaalay dalka Turkiga, halkaasna uu uga sii gudbay dalka Syria, iyadoo ka hor intaanu Turkiga tegin uu muddo ku sugnaa dalka Finland oo ay waalidkiisu ku celiyeen, kaddib markii ay ka shakiyeen inuu ku biiri rabo Kooxaha Jihaad doonka ah ee Soomaaliya (Alshabab).
Bilayska Somaliland ayaa billo ka hor Ninkan ku qabtay Magaalada Laascaanood, isagoo ku sii jeedda magaalada Garoowe ee Puntland, halkaasoo uu sheegay inuu u doonanayo Pasport Soomaali, hase ahaatee Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu xilligaasi laamaha ammaanka ku war geliyay inay qabtaan.
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Wiilkiisa ku biiray ISIS
Guddoomiyaha UCID ayaa shalay markii uu ka soo muuqday Video –ga Wiilkiisu kaddib ka hadlay arragtidiisa ku aadan xaallada Inankiisa, isagoo caddeeyay inuu ninkaasi yahay Inankiisii oo muddo la la’aa.
Ninkaasi waa Inankaygii waanan aqoonsaday inuu yahay, waxaana noogu dambeysay muddo ka hor” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo Ideecadda BBC-da la hadlay.
“Mar uu garoowe tegayay anigoo Finland jooga ayuu igu yidhi waxaan ku socdaa Mandheera oo ay xaaskiisa reerkoodu degenyihiin, dabaddeed waan ka shakiyay,waxaan la soo hadlay Sirdoonka Somaliland, waxaana lagu qabtay Laascaanood oo ay muddo ku xidhnaayeen”ayuu yidhi Faysal oo ka waramayay Taariikhda wiilkiisan ee bilihii ugu dambeeyay.
“muddo markii uu halkaa ku xidhnaa waxaan u soo dhoofinay dalka Finland oo qoysku degenyahay, Bilayska Finland ayaan ku war geliyay oo aannu ka wada shaqaynayn sidii loo ilaalin lahaa, annagoo ka codsaday inaan Pasport-ka loo cusboonaysiin, balse way diideen”ayuu sii yidhi Faysal.
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in markii ugu war dambeysay uu tegay Turkiga “ wax yar markuu joogay wuxuu tegay, halkaasaa ugu war dambeysay, laakiinse intii uu Syria joogay wax xidhiidh ah anigu lamaan samayn, laakiinse way wada hadlayeen qoyska dad ka mid ah oo Facebook-ayuu kala soo xidhiidhi jiray”.ayuu yidhi.
Faysal ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono sidii wiilkiisu ugu soo laaban lahaa gacantiisa, isagoo ku andacooday in baxsadkiisa ay sababtay dayac ku yimi oo dhanka waalidka ah “Ilaa 1992 waxaan la daaladhacayay arrimo siyaasaddeed oo Hooyaddood ayaa la daalaa dhacaysay caruurta, waxaana sababay uun ayaan isleeyahay kaalintii waalidka ee waliba aabaha ahayd oo uu waayay.
Ma jirto wax kale oo aan sameyn karnaa waanan soo maslaxaynaa hadii alle ka dhigo, inshaalahna waxaan rajeynayaa inaanu dib u soo celiyo.”ayuu yidhi.
Siyaasiyiin hore oo ISIS caruur ka raacday
Faysal Cali Waraabe ayaa noqonaya siyaasigii labaad ee qof qoyskiisa ka mid ah uu ka soo dhex muuqday Kooxda Jihaad doonka ah ee ISIS oo ay reer Galbeedku u aqoonsanyihiin Koox-diimeed dhaqaale badan haysata.
Wiil uu adeer u yahay Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Garaad, ayaa bishii June ee la soo dhaafay ka soo dhex baxay Muuqaal kan oo kale ah oo laga soo duubay Maleeshiyaadka ISIS.
Bashiir Maxamed Faarax Garaad oo ah wiilka ka soo jeedda qoyska Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa ka tegay dalka CANADA oo qoyskoodu degenyahay, waxaana ku mid yahay boqol ku dhawaad dhalinyaro u badan oo ka tegay AMeerika kuwaasoo ku biiray ISIS.
Xogo dheeraad ah
Xoggo ilaa bishii June isa soo tarayay oo ay Gobanimonews heshay ayaa tibaaxaya inay jiraan dhalinyaro tiro badan oo Somaliland u dhalatay oo qaarkood ka tageen dalka qaarna waddamo kale, kuwaasoo ku biiray Kooxda ISIS.
Inkasta oo aan tiro koob rasmi ah aanaan ka helin dhalinyaradaas, siiba kuwa dalka ka tegay bilihii la soo dhaafay, ilo-wareedyo helida xogtoodu muddo qaadatay ayaa Gobanimonews ku heshay in ilaa afar Wiil Somaliland ka tegay ay gaadheen Ciraaq bishii Ramadaan intii lagu guddo jiray.
Kooxda ISIS
ISIS ayaa ah Islaamiyiin Sunni ah oo doonaya inay maamulka dalka Ciraaq iyo dalalka kale ee Shaam gacanta ku qabtaan.
Muddo yar kaddib markii ay qabsadeen dhowr magaalo oo muhiim ah oo dalka Ciraaq ka tirsan waxay ku dhawaaqeen Khaliifo Islaami ah oo caalamka oo dhan looga talinayo.
Sheegashadaasi ayaa walaac badan ku abuurtay Hogaamiyeyaasha dalalka Islaamka ee Khaliijka Carabta, Sucuudiga iyo dalalka kale ee Carabta.
Sidoo kale waxa cabsi badan ka qaba dhamaan wadddamada reer Galbeedka oo tilmaamay inay tahay Koox Dhaqaale badan haysata.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com