Pages

Tuesday, August 5, 2014

Dabley hubaysan oo la wareegtay Xarunta Telefishanka dawladda Puntland


dhacdo ku soo beegantay Maalin kaddib markii xilka laga qaaday Axmed Kismaayo




[caption id="attachment_92389" align="alignleft" width="300"]qaybta hawl-qabadka qaybta hawl-qabadka[/caption]




Garoowe(GNA)-Dabley hubaysan oo ku lebisan Darayska Ciidanka ayaa wali haysta xarunta Telefishanka dawladda ee Puntlandtv, kaddib markii ay saaka xoog ku qabsadeen.




Xarunta Telefishanka iyo Iddeecada Puntland oo xaruntoodu ku taalo Magaalada Garoowe, gaar ahaan meel aad uga fog xafiisyada dawladda, ayaa ragga la wareegay waxay amar ku siiyeen Shaqaalaha inay isaga baxaan.




Dhacdadan ayaa ka dambeysay maalin kaddib markii xilka laga qaaday Agaasimihii Telefishankaasi Axmed Maxamuud Cali (Axmed Kismaayo) oo madax ka ahaa tan iyo markii la aasaasay Telefishanka PuntlandTV.




Telefishanka ayaa ahaa kan loogu daawashada badanyahay deegaamada Puntland.




Faadumo Yuusuf Siciid oo ah Wariye ka tirsan Warbaahinta la qabsaday ayaa sheegtay in Ragga xarunta qabsaday aanay wax dhibaato ah u geysan shaqaalaha iyo Madaxda halkaasi ay ugu yimaadeen oo wali qaarkood ku suganyihiin.




Wariyaha ayaa sheegtay inay dhamaan hawlihii warbaahineed ee Telefishanku taaganyihiin maanta oo wax ka socdaa jirin xarunta.




Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Dawladda Puntland oo la xidhiidha dhacdadan, iyadoo ay shirar ka socdaan aqalka madaxtooyada, wax ka soo baxayna aanay jirin.




Kooxda la wareegtay xarunta ayaa wararka laga helayo haybtoodu waxay sheegayaan inay salka ku hayso xil ka qaadis shalay lagu sameeyay Taliyeyaal Ciidan oo ay ka mid yihiin, Taliyihii madaxtooyadda Cumar Farawayne iyo Taliye ku xigeenkii ciidanka Booliska Gen.Muxyadiin Axmed Muuse, kuwaasoo uu shalay Madaxweynuhu xilka ka qaaday.




Inkasta oo dadka qaar aamisanyihiin inay dhacdadani salka ku hayso xil ka qaadistii Axmed Kismaayo, hadana ilaa hada waxa la xaqiiqsanyahay inaanay wax lug ah ku lahayn arrintaasi qabsadashada Warbaahinda dawladda Puntland.




Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa maalintii shalay Agaasimaha Telefishanka iyo Ideecada Puntland u magacaabay Cabdifitaax Nuur Ashkir oo ah Suxufi muddo la shaqaynayay Warbaahinta Aljazeera.




Ashkir ayaa lala magacaabay xubno kale oo ka mid ah Madaxqaybeedyada Telefishanka iyo Raadiyaha.




Ilo-wareedyo Gobanimonews ka helayso dedaalo la doonayo in dhacdadan lagu furdaamiyo ayaa sheegaya inay waan waan u socoto Siyaasiyiin iyo Odayaal-dhaqameedyo hawshan sidii loo xalin lahaa galay.




La soco wixii ka soo kordha...




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com