Pages

Thursday, August 7, 2014

Geerida Jaambiir: Maalmo kale oo loo Baroor-diiqayo Suxufi iyo Bare Taariikh la hoyday”GNA


Suxufi, Macalin iyo Uruuriyihii Taariikhda SNM Cabdiwali Faarax Jaambiir oo Hargeysa ku geeriyooday iyo dareenka Eheladiisii Mihnada iyo Ubadkiisii waxbarashadu ka yidhaahdeen.Warbixin kooban




[caption id="attachment_92459" align="alignleft" width="198"]Suxufi Ruug caddaadi ah iyo Macalin ka baxay saxaafadda Somaliland Suxufi Ruug caddaadi ah iyo Macalin ka baxay saxaafadda Somaliland[/caption]Hargeysa(GNA)-Inaa lilaahi  waa inaa Ilayhi Raajucuun!. Way ahaytay tiisii. waxaana tii xaqqa ahayd ee aanu qofna ka badbaadayn oo ah Geerida, ayaanu ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Alle ha u naxariistee Suxufi/ Qoraa/ Macalin, Cabdiwali Faarax Jaambiir oo in muddo ah Xanuun u jiifay Cisbitaalka Hargeysa ku yaalla.




Waxa uu ku baxay “Bes”, iyadoo amarka alle ka sekow geeridiisa  xanuunkaasi sababay.




Geerida Cabdiwali ayaa Bahda Saxaafadda Somaliland uga dhigan tacsi kale oo muruggo xambaarsan, waxaannu noqonayaa Ruug-cadaadigii labaad ee sanadkan ka baxay Bahda Warbaahinta Somaliland, waxaan bil ka hor qabriga lagu duugay Ababshe AHN Maxamed Maxamuud Kastam oo ahaa Tiir ka baxay bahda qalinlayda iyo warfaafinta Soomaalida, khaasatan Somaliland.




Muuse Faarax Jaambiir oo ah Suxufi ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu Cabdiwali Geeriyooday, waxaanu kaasi ahaa war naxdin iyo baroor-diiq ku ah dhamaanba mihnadleyaasha Saxaafadda iyo qaar badan oo ka mid ah dadkii uu wax baray Marxuumku.




Alle ha naxariistee Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxa uu inta aan xasuusto 15-kii sanaddood ee ugu dambeeyay ka soo dhex muuqday qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, sida Telefishanada iyo Wargeysyada, isagoo ka mid ahaa aasaaseyaasha Wargeyska  Ogaal.




Rug-cadaadi Geeriyooday




Cabdwali Jaambiir ayaa ka soo shaqeeyay Wargeysyadii ugu horeeyay ee Somaliland ka soo baxa, sida Wargeyska Abbaha u ah Warsideyaasha ka soo baxa Hargeysa  ee Jamhuuriya “ wuxuu qori jiray qaybta Ciyaaraha Wargeyska Jamhuuriya” sidaasi waxa Gobanimonews u xaqiijiyay Khadar Iid Kaariye oo ay Saaxiibo shaqo ahaayeen wakhti dheer.




Kaariye ayaa intaasi raaciyay “ waxa kale oo uu ka mid ahaa soosaareyaasha Wargeyska Ingiriisiga ah ee Republican”ayuu sii yidhi.




“Wuxuu ahaa Oday Saxaafaddeed oo aqoon iyo Akhalaaq wanaagsan ku sifoobay”. Sidaasi waxa yidhi Tafaftiraha Gobanimonews oo ka hadlay Geerida Cabdiwali Jaambiir. Waxaanu intaas ku daray “ markii ugu horaysaay waxaan arkay isagoo bare ka ah Machadka Nuuradiin ee Hargeysa. Waxaanu ahaa Macalin Suxufi ah” ayuu sii yidhi Saleban Cabdi Cali Kalshaale.




Cabdiwali Faarax waxa intii uu  ifka joogay uu guursaday laba Xaas, laakiinse sida ay asxaabtiisu noo xaqiijiyeen wax ubad ah kamuu calfan.




Madaxweynaha Somaliland




Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah u diray dhamaan intay isku mihnada ahaayeen iyo shacbiga Somaliland oo dhan.




Warsaxaafaddeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxay Maareeyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.




Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay,  waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland.




Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna  Samir iyo Imaan ha ka siiyo.”




Ehelkiisii Saxaafadda iyo Ubadkiisii Macalinimada




SOLJA




 “Ururka suxufiyiinta somaliland ee solja wuxuu wuxuu tacsi  u dirayaa  qoyskii,qaraabadii  iyo dhamaan bahda saxaafada somaliland geeridii naxdinta lahayd ee maanta ku timid weriye c/wali  faarax jaambiir  oo ahaa maareyihii wargayska ogaal oo maanta galinkii danbe ku geeriyooday magaalada hargaysa




Taas oo aanu ilaahay ugu baryayno inuu qabriga u nuuro janatul fardowsana geeyo,dhamaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamin aamin aamin”ayaa lagu yidhi dhambaal kooban oo ka soo baxay Ururka SOLJA, kaasoo uu soo saaray Xoghayaha guud ee ururka solja Mohamed-rashiid muhumed farah




Maareeyaha Wargeyska Himilo, Madar Cabdi Axmed oo ay muddo dheer ka soo wada shaqaynayeen Telefishanka Somaliland Space Chanel, kana mid ah dadka waayahooda  Suxufinimo ku bilaabay Warbaahin uu shaqaynayay Marxuumku xilli sannado badan laga joogo, ayaa Gobanimonews u sheegay inuu ahaa Suxufi Warfidiyeenadda kaga duwanaa Uruurinta Taariikhdii Halganka.




“Alle ha naxariisto Cabdiwali Muddo dheer ayaannu ka soo wada shaqaynay telefishanka Somaliland space Chanel, anigu waxaan ka mid ahaa dadkii shaqada bilaabay iyadoo uu Tv-gaas ka shaqaynayo. Runtii wuxuu ahaa qof waxyaabo badan lagu xasuusan doono. Laakiinse wuxuu dheeraa wuxuu uruurin jiray Taariikhdii halganka.”ayuu yidhi Madar.




Madar ayaa ahaa soosaare Barmaamujka uruurinta Taariikhda SNM ka dhaxlay Cabdiwali, isla markaana wakhti ka dib sii ambo qaaday Barmaamujkaasi, sida uu mar kale u sheegay Gobanimo “anigu waxaan ahaa wariyihii markii dambe soo saari jiray Barmaamujkii Marxuumku soo saari jiray”ayuu sii yidhi Madar.




Khadar Iid Kaariye oo ay Marxuumka muddo dheer ka soo wada shaqaynayeen Wargeyska Ogaal, ayaa Gobanimonews u sheegay inuu  marxuumku aad ugu xeel-dheeraa turjumaadda Buuggaagta ku qoran Luuqadaha, isla markaana intii uu Wargeyska Ogaal ka shaqaynayay uu afka Soomaaliga u turjumay Buuggaag aad u xiiso badan.




“  Alle ha naxariistee Cabdiwali wuxuu ahaa qof ku dayasho mudan.” Ayuu yidhi Kaariye . “wuxuu turjumay Buuggaag faro badan intii aannu wada shaqaynaynay, waxaana ka mid ahaa Buuggii laga qoray hogaamiyihii Koonfur Afrika Nelson Mandela” ayuu hadalkiisa raaciyay Khadar oo aad u tiiraanyeysani.




Khaddar ayaa mar kale noo sheegay “Marxuumka waxaanu soo wada-shaqaynaynay muddo ku siman Afar Sanno, waxa uu ahaa inta aan ka aqaannay shakhsi hawl-kar ah, naxariis badan oo aan lahayn wax calool-ku-sid ah. Waxa uu ahaa shakhsi bulshaawi ah oo bulshadu karaamayn jirtay. Waxa uu dhalinyaro badan qalinka ugu qabtay Saxaafadda oo uu macalin ugu ahaa, qaar badan oo ka mid ahina waayo-aragnimadiisi iyo aqoontiisii ay ka kasbadeen meel wanaagsan ku gaadhay”.ayuu yidhi.




“Cabdiwali Faarax Jaambiir waxa muddada uu Saxaafadda Somaliland ka shaqaynayey lagu bartay soo saarista Barnaamijyo xiiso badan oo taariikhda Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM iyo sidii ay Somaliland ku xoreeyeen, isla markaana waxa kale oo uu caan ku ahaa baahinta iyo diyaarinta Barnaamijyo Taariikhda dalalka Caalamka ah, Turjumaadda Buugaag kala duwan oo aad loo jeclaysan jiray wakhtigii uu waday iyo Curinta Sheekooyin Dhab ah oo uu qori jiray.




Waxa kale oo uu Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir caan ku ahaa oo uu ka mid ahaa Macallimiinta aqoonta badan leh, isla markaana soo saaray Jiilal badan oo kala dambeeyey, waxa uu wax ka dhigi jiray Iskuullada dawliga ah bilawgii 2000, waxa kale oo uu kaga sii magac iyo milgo weynaa Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Nuura-diin, Dugsigii Waaberi, Aflax iyo kuwo kale oo uu ka dhigi jiray Luuqadda English-ta (Ingiriisida), isla markaana Arday badani ka aflaxeen, aadna ay Ardaydu u jeclayd wax dhigistiisa iyo fahansiinta casharrada, maaddaama oo uu Hodan ku ahaa Luuqadaha Ingiriisida iyo Soomaaliga.




Allaah ha u naxariistee waxa uu Cabdiwali Faarax Jaambiir hirgeliyey ama sida Ugxanta ama Beedka u dillaaciyey dhalinyaro kala duwan oo maanta ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinta kala duwan ee dalka iyo Warbaahinta caalamiga ah, sida Idaacadaha BBC-da, VOA-da, TV-yada kala duwan, Wargeysyada iyo Website-yada ama Shabakadaha wararka ee Somaliland, kuwaasoo uu si weyn oo hagar la’aan ah u soo gacan-qabtay muddadii uu Bahda Saxaafadda Somaliland ka tirsanaa.




Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa ahaa nin Dabeecad furfuran oo kaftama, isla markaana dadka u fiicnaa, inkasta oo uu dhawrkii sannadood ee u dambeeyey xanuunsanayey oo aanu aad uga dhex-muuqan Warbaahinta, waxa ay tiisii noqotay Allaah ha u naxariistee maanta oo uu ku geeriyooday Cusbitaalka New Hargeysa oo ku yaalla Xaafadda New Hareysa oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee Caasimadda Hargeysa. Waxaana la aasi doonaa Berri oo ah maalin Khamiis ah oo ay bisha siddeedaad 2014-ka tahay 7, sida uu noo xaqiiyey Muuse Faarax Jaambiir oo ay Marxuumka Walaalo yihiin, waxaana lagu aasi doonaa Xabaalaha Naasa-Hablood ee Duleedka Waqooyi-Bari ee Hargeyssa.




Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxa uu muddadan dambe u jiifay Xanuunka Joonis-cadka (Hepitits B), kaasoo uu maanta u geeriyooday. Marxuumku wax Carruur ah ifka kagama tegin, waxaanu guursaday laba Xaas oo ay midkood kala-tageen, Haweenayda labaad-na ay hadda wada-joogeen. Hase-yeeshee, Cabdiwali waxa lagu xasuusan doonaa waxa uu ku tabcay oo uu soo saaray dad badan oo weliba u badan dhalinyarada reer Somaliland ee kacaamay bilawgii sagaashamaadkii, kuwaasoo ay wax-barashada isku soo gaadheen.




Isla markaana aqoon, dhiirrigelin, gacan-qabasho iyo wax la-qabashaba uu ugu deeqay. Waxa uu ahaa ruux qalbi wanaagsan oo jecel in qofkastaa horumar gaadho, isla markaana aad u dhiirrigeliya oo si weyn ula talin jiray dhalinyarada uu arkay inay dedaalayaan, kuwa dedaalkoodu kooban yahayna kula talin jiray inay dedaal muujiyaan oo ay higsadaan kuwa hadba muraayadda ama hormuudka u ah ee iyaga ka horreeyey, isaga oo si cilmiyan ah ugu sheekayn jiray dadka uu wax u sheegayo”sidaasi waxa mareegta Aftahan ku baahiyay Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka mid ah warfidiyeenada Somaliland.




Cabdifataax ayaa mar kale Gobanimonews u sheegay “ aniga laba jeer ayuu macalin ii ahaa.” Ayuu yidhi tilmaamay Mursal oo intaasi ku daray “ markii saxaafadda aan baranayay iyo markii Luuqada Ingiriisiga  aan baranayay ayuu macalin ii ahaa”.




Caydaruus Sheikh Cumar Geedi oo ah Suxufi wax ku qora Mareegta Cadalool, ayaa sheegay inuu ahaa Macalinkiisii Dugsiga Hoose dhexe , isagoo wax ku baray Dugsiga dawliga ah ee 31 May ee Magaalada Hargeysa  “ Tacsi ayaan u dirayaa Macalinkaygii, Dugsiga hoose dhexe iyo Saxaafadda” ayuu yidhi Caydaruus.




“Luuqada Ingiriisiga ayuu noo dhigi jiray Alle ha naxariistee”ayuu hadalkiisa raaciyay Caydaruus Sheikh Cumar oo aad uga tiiraanyeysan Geerida Jaambiir.




Sacad Axmed kaahin (Sacad Plucky) oo ka mid ah dadka wax ku qora Warbaahinta ayaa dhambaal tacsi ah soo gaadhsiiyay Gobanimonews. “ waxaan tacsi tiiraanyo leh  dirayaa dhamaan Bahda Saxaafadda Somaliland iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay alle ha naxariistee Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir. Waxa kale oo aan si gaar ah uga tacsiyadaynayaa qoyska reer Af-gaab Nuur Geerida ku timi Alle ha naxariistee Cabdiwali”.




Si kastaba ha ahaatee, AHN Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir ayaa Maalinta Beri lagu aasi doonnaa Magaalada Hargeysa, iyadoo lagu sagootin doono Aas-qaran.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com