Isra'iil ayaa weerar dhanka cirka ah ku qaaday Magaalada Qaza ee carriga Falastiin, kaddib markii ay sheegtay in saddex gantaal oo laga soo riday Qaza ay ku dhaceen dhulkeeda.
Rai'salwasaaraha Isra'iil , Benjamin Netanyahu, ayaa amray in ciidamada ay weeraraan bartilmaameedyada Qaza kaddib markii la sheegay in lagu soo tuuray saddex gantaal gudaha Israa'il.
Weerarkan ayaa xadgudub ku ah xabbad joojintii muddadeeda la kordhiyay ee Qaza.
Lama sheegin wax dhawac ah oo ka dhashay weerarrada labada dhinac.
Gelinkii danbe ee Isniintii ayaa Falastiiniyiinta iyo Israa'il waxay ku heshiiyeen in 24 saacadood lagu kordhiyo shantii maalmood ee xabbad joojinta ahayd.
Dhedhexaadiyayaasha reer Masar ee Qaahira jooga ayaa sheegay in ay sii soconayaan wadahadallada lagu diyaarinayo heshiis muddo dheer socon doono.
Weerarkan dambe ayaa yimi xilli dib u soo kabasho laga dareemayay dhulka Xasuuqu kadhacay ee Gaza.