Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe ayaa eeddeymo u jeediyay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nickolas Kay.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay Kay iyo Puntland ku heshiiyeen in Raod Map-ka soomaaliya lagu saleeyo 18-kii gobol ee somaliya xilligii siyaad barre jiray, taasoo aanay Somaliland waxay aqbalayso ahayn.
Eng Faysal oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa maanta ayaa intaas ku daray in Nickolas kay uu wado arrin ka dhan ah Somaliland.
Halkan ka daawo
Hadalkan ayaa imanaya maalin kaddib kulan uu ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Shir-guddoonka Baarlamanka dalka.
Kay iyo Somaliland ayaa sida la sheegay ka wada hadlay arrimaha horumarinta iyo khilaafka u dhexeeya Somaliland, Puntland iyo Khaatumo.
Xisbiga UCID ayaa Ergayga QM u gudbiyay qoraal qodobaysan oo ay tafaasiil kaga doonayaan mucaarid ahaan sida uu Somaliland ula shaqaynayo, kaasoo ay habeen saddexaad si rasmiya ugu direen isagoo Hargeysa ku sugan.
Khalid Xamdi Maxamed
Gobanimonews
Hargeysa Office