Pages

Thursday, August 7, 2014

Djibouti oo xadka Lowyo caddo ku soo daadisay Maxaabiis Somaliland u dhiibtay


Lawyo-cado(GNA)-Dawladda Djibouti ayaa la sheegay inay ku soo daadisay xadka lowyo caddo,  dadka Maxaabiis ah oo ay Somaliland u dhiibtay bishii la soo dhaafay, kuwaasoo loogu gacan geliyay tuhuno la xidhiidha qaraxyadii Magaalada jibouti ka dhacay bishii May 24-keedii.




Ilaa todoba maxbuus oo  u badan Darawaliin wadeyaal ka ahaa Gaadiidka isaga goosha Somaliland iyo Djibouti iyo dad kale oo aan wali si rasmiya loo aqoonsan, ayaa shalay la soo gaadhsiiyay Magaalada Lowyo-caddo oo ku taalla xadka labada dal wadaagaan, waxana la sheegay in maxaabiistaas jidh dil xoogan loo geystay  intii ay dalkaas ku xidhnaayeen.




Dadka deegaanka ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in dadkaasi lagu soo wareejiyay Laamaha ammaanka Somaliland ee xadka, laakiinse faahfaahin intaasi ka badan kamay bixin goob-joogeyaashu.




Wali lama hubo inay Maxaabistan ku jiraan 3 Nin oo bishii June laga qabtay Magaalada Hargeysa, kuwaasoo si qarsoodi ah looga dhoofiyay Madaarka Hargeysa, isla markaana jibouti loo qaaday.




Saddexaad maxbuus oo mid ka mid ah dhawaan la sheegay inuu xabsiga ugu dhintay garaacis iyo handidaad loogu geystay Djibouti, ayaa eheladooduwalaac weyn ka muujiyeen dhiibistooda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com