Pages

Tuesday, August 19, 2014

Digniin Caafimaad: Dawada lagu cadaydo oo la sheegay in ay ku jirto kiimikaad sababi karta Cudurka Kansarka


images (1)Hargeysa(GNA) Dukumenti ka kooban 35 bog ayaa laga diyaariyay khatarta kiimikada ku jirta daawada lagu cadaydo, waxaana lagu sheegay inay sababi karto kansarka, taasina waxay horseeday in dacwad ka dhan ah laga gudbiyay shirkadda soo saarta daawadaas ee la yiraahdo Colgate Total.




 




Kiimikadaan la dagaalanta jeermiga ilkaha gala ee dawada lagu cadaydaaku jira oo la yiraahdo Triclosan, ayaa shirkadda soo saarta xustay in ay tahay mid aan khatar lahayn, lana tijaabiyay sanadkii 1997-dii, laakiin dukumentiga laga diyaariyay waxay muujiyeen in khatar badan oo kansar keeni karta ku duugan tahay kiimikadaas sida lagu daabacay mareegta Bloomberg news.




 




Dukumentigaan oo ay diyaariyeen khubaro Maraykan ah oo ka tirsan xarun la yiraahdo FDA, ayaa tibaaxday inay sababi karto kiimikada triclosan cudurka  kansarka halka Shirkadda Colgate sheegtay in kiimikadaan khatar badan noqon karto oo ay sababi karto kansarka, balse cadaymaha la helay iyo daraasaado cusub oo la sameeyay ayaa sheegtay in kiimikadaasi khatar ayba ku tahay ilmaha uurka ku jira.




 




Sanadii 2010kii ayaa arday sameeyay cili-baaris uu ku doonaayay bal inuu ku baaro heerka ay kiimikada triclosan hoos u dhigo bakteeriyada ,waxa uu ogaaday suntan ku jirta daawada lagu cadeydo, taasoo ah in ay waxyeelo u gaysato xitaa biyaha taranka




 




Xigasho: Bloomberg news