Pages

Friday, August 15, 2014

Dagaal culus oo ka socda Degmada Wada-jir ee Muqdisho


Muqdisho(GNA)-Ciidamada Dawladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyihii hore ee Degmada Wada-jir Axmed Cabdi Axmed- Daaci, xalay saacad dambe.




Weerarka ayaa sida la sheegay qayb ka ah hawl-galo dawladdu ka bilowday Magaalada Muqdisho oo hubka Sharci darada ah lagula dagaalamayo.




Dadka deegaanka ayaa sheegay inay israsaaseyn xoogan u dhaxaysa Ciidanka Dawladda iyo Ilaalada Masuulka hore ee Gurigiisa la wareeray inay ka socoto degmada Wada jir.




Rasaasta ayaa bilaabantay abaaro afartii subaxnimo, waxaanu socdaa ilaa hada.




Axmed Daaci oo la hadlay Warbaahinta intii waagu beryay ayaa ku tilmaamay Weerar badheedh ah oo gurigiisa lagu soo qaaday “Weerarka cidii soo qaaday ayaa la waydiinayaa meesha bartilmaameedku yahay, laakiinse xabbadu way socotaa tobankii habeennimi siday noogu bilaabantay”ayuu yiri Axmed Daaci.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha dawladda oo la xidhiidha xiisadan oo ah mid sii kordhaysa,balse Ninaka Gurigiisa la weeraray ayaa sheegay “kolay Khasaare wuu jiraa, dad dhaawac ah way jiraan laakiinse anigu iminka waxba ma caddeyn karo oo xaddiibaa socota”ayuu yiri.




Dhawaqa Rasaas culus culus ayaa laga maqlayaa meelo ka fog-fog halka dagaalku ka socdo ee degmada Wada-jir, waxaana dagaalka ka qayb-qaadanaya xooggaga Amisom.




Bartilmaameedka Ciidanka hawl-galka fuliyay ayaa ku wajahnaa sida xoggo hoose lagu helayo dhowr guri oo ay degenyihiin dad masuuliyiin hore ahaa iyo qaar ka mid ah  hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho.




Ciidanka dawladda ayaa sheegay in todobaadkan dhamaaday ugu yaraan shan boqol oo Qori iyo Kumanaan Bushqaddood oo rasaas oo sid sharci daro ah loogu haystay Magaalada gacanta ay ku soo dhigeen.




La soco wixii ka soo kordha dagaalka socda..